Isbarbardhig Dhaqaalaha ama Suuqa Ganacsiga ee Germany, Ingiriiska, Russia Iyo Somalia (Qoraal kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Dalka Germany sanadkii 2016 wuxuu iibgeeyay alaab qiimaheedu u dhigmo 1320 billion$, halka uu soo dhoofsaday ama soo iib saday alaab qiimaheedu u dhigmo 1050 billion$ , taasi oo ka dhigan in sanadkii 2016 uu Jarmalku suuqa ganacsiga ka faa-iiday 273 billion$ —halkaan ka eeg warbixintaas

Dalka Britain ama Uk, ama Ingiriiiska sanadkii 2016 wuxuu iibgeeyay alaab qiimaheedu u dhigmo 404 billion$, halka uu soo dhoofsaday ama soo iibsaday alaab qiimaheedu u dhigmo 625 billion$ , taasi oo ka dhigan in sanadkii 2016 Ingiriisku suuqa ganacsiga ku khasaaray ama lagu yeeshay dayn dhan 220 billion$ —halkaan ka eeg warbixintaas

Dalka Russia sanadkii 2016 wuxuu iibgeeyay alaab qiimaheedu u dhigmo 282 billion$, halka uu soo dhoofsaday ama soo iibsaday alaab qiimaheedu u dhigmo 180 billion$ billion$ , taasi oo ka dhigan in sanadkii 2016 aty Russia suuqa ganacsiga ku faa-iiday aduun dhan 108 billion$ —halkaan ka eeg warbixintaas

Dalka Somalia sanadkii 2016 wuxuu iibgeeyayy alaab qiimaheedu u dhigmo 0,547 billion$ wax ka yar hal billion, halka uu soo dhoofsaday ama soo iibsaday alaab qiimaheedu u dhigmo 2.12 billion$ , taasi oo ka dhigan in ay sanadkii 2016 ay Somalia suuqa ganacsiga ku khasaartay ama lagu yeeshay dayn dhan 1.57 billion$ —halkaan ka eeg warbixintaas

Si kooban u diyaariye Ibrahin Gablax