Isbarbardhig Xadaaradda Dawladnimo ee Iran oo jirtay Mudo 3000 Oo Sano ah 728 BC-2017 iyo xadaaraddii Dawladnimo ee Somalia

Filed under: Important News,Wararka |

Waxa ugu wanaagsan ee umad ay kala dhaxlaan waa xadaaradda (ilbaxnimo)  dawladeed oo muddo dheer aan la carqaladayn oo marwalba wax un soo saa-idinaysay.

Hadaba maanta waxaa in yar eegaynaa xadaaradda dalka Iran oo ay boqortooyin kala duwan soo xukumayeen muddo 3000 oo sano ah oo intaas marwalba ay dalka dawlad ka talinaysay, haba is inqilaabeen dhexdeeda.

Halkaan ka eeg  List of rulers of Iran.

 

Shacabka Iran ayaa leh xadaaraddii ay ka dhaxleen awoowayaashood mudada dheer iyo buugaagtii iyo ilbaxnimadii ay mudadaas dheer kala dhaxleen, waana sababta aan waligood dalkooda loo qabsan ama aynan waligood dawladooda u burburin ama ay u diideen dabadhilif dawlado kale u shaqeeya, wayna ku saxsanyihiin-

 

Tusaale 1990 waxaa dhacay xadaaradii  dawladdii kaliyahayd ee ay waligeed Soomaali yeelatay, dawladdaas oo jirtya muddo 30 sano ah hase yeeshee maalintii ay dawladdaas dhacaysay, waxaa ay Soomaali lahayd hay’addo dawladeed oo shaqaynaya (government instantiations), waxay kaloo Soomaaliya lahayd warshado cajiiba oo muddo kooban aynan dalalka Africa ku talaabsan halkaan ka eeg 

Waxaa diyaar ahaa mashruucii korontada ee Faanoole fari kama qodna, iyo mashaariicdii batroolka iyo gaaskii afgooyo oo markaas diyaar ahaa.

 

Waxaa kor lo qaaday hanaanka wax soo saarka kaluunka, beeraha iyo xoolaha.

Hase yeeshee waxaad mooddaa in ay xadaaradda dawladnimo ee Soomaalida ay yarayd isla markaana ayba intii yarayd burbrisay xukuuaddii kaligi talis ee Siyaad Barre.

 

Waana taas tan sababtay in ay Soomaali iska burburiyaan xadaaraddii yarayd illaa maantana ay waxba dhisan waayaan sababtoo ah waxaa yaraa xadaaradda aqooneed ee dawladnimo.

Waxaanad mooddaa in ay hadda siyaasaddii Soomaaliya la wareegeen siyaasiyiin doonaya in ay waxku maamulaan sidii wax lagu maamulijiray 4 qarni ka hor iyo beel inta beel kale ku duusha deegaankeeda ayaamo ku wararaclaysa kadibna iyana lagu soo duulo markooda oo iyana maalmo lagu wararacleeyo.

Siyaasiyiintaas oo aan daraasad ku samayn dhiigga Soomaalida oo ah dhiigga kaliya ee aan dulmi ogalayn.