Ismaaciil Muuse ninkii Qarxiyay Masaajidkii Hotel Central oo noqday ninkii laptopkii Miinaysnaa u dhiibay wiilkii Qarxinayay Hotel Maka-Almukarama (Daawo Sawirada

Filed under: Wararka |

Ismaaciil Muuse ninkii Qarxiyay Masaajidkii Hotel Central oo noqday ninkii yarkii qaqday ninkii laptopkii Miinaysnaa u dhiibay wiilkii Qarxinayay Hotel Maka-Almukarama (Daawo Sawirada

ismaaciil Muuse

ismacil muuse2

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Centeral ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa fuliyay Laba qof oo midi ay dumar tahay, halka ruuxa kalane la sheegay inuu ahaa wiil qabay gabadha fulisay Qaraxii labaad, waxeyna labadaan qof ee fuliyay weerarkaasi lagu kala magacaabaa Ismaaciil Muuse iyo Luul Axmed Daahir.
Labada ruux ee weerarka fuliyay ayaa waxaa xaqiijiyay Laamaha ammaanka DF Somalia, waxa ayna sheegen in haweeneyda is qarxisay ay mudo afar bilood ah ka shaqayn jirtay Central Hotel, ka hor intii aynaan weerarkaasi fulin.luul iyo ismaaciil

luul
Luul Axmed Daahir ayaa la sheegay inay maalintii ku shaqeyn jirtay lacag dhan 5 Dollar, taasoo shaki dhalin karta qof k tagay Holland oo Muqdisho kaga shaqeeya lacag Shan Dollar ah, waloow Hay’adaha Amniga aysan waxaas la socon.
Ismaaciil Muuse Guuleeed oo ahaa ninkii qabay Gabadhaan is qarxisay waxa uu weerarkaasi ku fuliyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo yaalay goob ku dhow Masaajidka, xilli Salaadda Jimcaha ay ku tukanayeen masuuliyiin Dowladda ka tirsan, Saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo weliba dad shacab ah.
Luul Axmed Daahir, ayaa daqiiqado yar uun ka dib is qarxisay, kolkii uu dhacay qaraxii koowaad.
Luul waxay is qarxisay xilli dadkii Masaajidka ku tukanaayay, ay ku kala carareen qaraxii hore, waxa ayna halkaasi ku galaafatay nolosha dad badan.
Ismaaciil Muuse ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland,, waxaana baadi goob xoogan ku hayay Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya oo muddo ku daba-jirtay isagoo lagu eedeynayo inuu ahaa ninkii ka dambeeyay qaraxii Hotel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho oo muuqaalkiisa Kaamirada CCTV hotelka lagu dhex-arkay isagoo Laptob waxyaabaha qarxa uu ku jiro ku wareejinaayo oo Miis la fadhiyo wiilkii qaraxaasi geystay ee ka yimid Burco oo xukunkii dilka ahaa DFS ku fulisay bilooyin ka hor