Israa’iil iyo Falastiin: Eegmo-siyaasadeed oo Cusub

Filed under: Articles,Wararka |

BILIGSEY

Israa’iil iyo Falastiin: Eegmo-siyaasadeed oo Cusub

Waxaan is-iraahdaa, tolow, “ma la gaaray wakhtigii laga fekeri lahaa in mar qur ah la aqoonsado dawladaha Falastiin iyo Israel, loona aqoonsado laba dal oo jaar ah, is-agyaal, nabadna ku wada nool!”

Dalal badan oo adduunka ah baa Israa’iil iyo Falastiinba la leh xiriir oo waddadaas maray. Waddamadaas waxaa ka mid ah dalal Carbeed, sida Masar iyo Urdun [Jordan]. Dalal kale oo Carbeed, iyana, waxay Israa’iil la leeyihiin xiriir aan gaarsiisneyn heer dibolomaasiyadeed, sida Qadhar [Qatar], Maqrib [Morocco]. Kuwo kale xirrir aan la shaacin baa u dhexeeya, sida Sacuudiga. Waddammadaas Carbeed dhammaantood waxay sidaasi u yeeleen iyaga oo eegaya danahooda gaarka ah.

Waxaa habboonaan lahayd in Soomaaliya iyana sidaasoo kale yeesho oo danaheeda gaarka ah raacato, wax ka mamnuucaya la ma arko. Waxaa kaloo u baahan in hoosta laga xarriiqo siyaasaddii Bariga Dhexe wax weyn baa iska beddeley, maalin walbana iska beddelaya oo waxaa suuraggal ah inay dhashaan is-bahaysiyo-siyaasadeed oo cusub. Waxaa mar laga shanqariyey in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman (SMB) uu safar aan la shaacin ku tagey Israa’iil.

Haddaan Israa’iil ka yara faalloodo – waa dal juqraafi-ahaan iyo muuqaal-ahaanba aad u yar, dadkiisuna aanu badnayn. Waxaa lagu qiyaasaa ilaa lix milyan. Hayeeshee, haddana, dalkaasi wuxuu leeyahay saameeyn iyo miisaan-siyaasadeed oo aan la dhayalsan karin. Saameeyntaasi waxay inta badan ka timaaddaa dadka Yuhuudda ah ee dalalka dibedda ku nool, gaar ahaan, Reer Galbeedka (diaspora). Dadkaasi waxay si xoog ah u joogaan, sidaan hore u sheegey, dalalka Reer Galbeedka, siyaasadaha Reer Galbeedkana aad bay u saameeyaan waayo waa dad isku xiran, aad wax u barta, dhaqaale xooggan leh, meediyaha (media) iyo qalabka warbaahintana si lixaad leh uga dhex-muuqda. Haddii aan tusaale-ahaan u soo qaato dalka Maraykanka waxaa ku nool dad lagu qiyaasay lix-milyan; dadkaasi tixgelin weyn bay ku dhex-leeyihiin bulshada Maraykanka iyo siyaasadahooda intaba. Saameeyntaasi aadka u buuran waxay si cad u muuqatay bishii Maarso 2015kii, kolkii Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Binyamiin Natanyahu hortagay kulanka labada Aqal ee Wakiillada. Khudbad dheer oo uu ka hor-akhriyey waxaa loo istaagay oo loo sacabbo-tumay (standing ovation) 29 jeer.

Haddii aan taariikhda dib ugu yara noqdo, Soomaaliya muddo badan, waliba intii xukuumaddii militariga ahayd jirtey, siyaasaddeeda dibedda waxay ahayd mid ka soo horjeedda mawqifka waddammada Reer Galbeedka ah, gaar ahaan, kolka la eego arrinta muddada soo-jiitameysey ee Bariga Dhexe, una dhexeysa Carabta iyo Israa’iil. Tusaalaha, aan is-leeyahay waa ugu ba’naa waxay ahayd qaraarkii Qarammada Midoobey la mariyey bishii Nofembar 10, 1975 ee tirsigiisu ahaa 3379 (inkastoo markii dambe laga laabtay) kuna saabsanaa, liddina ku ahaa dawladda Israa’iil, qaraarkaasoo simay ama isku mid ka dhigey sahyuuniyadda iyo midab-kala-sooca (Zionism is equal to Racism). Qaraarka keli kuma aannan ahayn oo waxaa taageersanaa dawlado badan oo kala duwan: Carabta, Afrikaanka, dhammaan dalalkii Bariga ee raacsanaa Midowgii Soofiyeeti. Wuxuu ahaa, sidaas darteed, qaraar taageero xoog leh haysta. Arrinta la yaabka leh waxay ahayd, hayeeshee, in Soomaaliya loo wakiishay inay soo jeediso iyadoo dawlado ka xoog badan, kana waaweyn oo cid walba leh ay safka ku jireen! Dawladaha Reer Galbeedku iyo dad badan oo madax u ahaa waagaas, sida Henry Kissinger aad bay uga caroodeen. Ku darsoo, Mudane Kissinger mar wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka (1973-1977), marna isaga qudhiisu waa Yahuudda Maraykanka. Annaga oo dawlad yar ah ayaannu dhexgallay oo dhex-dabaalannay ciyaar-siyaasadeed qiimaheedu sarreeyo oo aannaan ka bixi karin!

Siyaasaddaasi ku aaddan Israa’iil waa inay is-beddeshaa oo xaaladda jirta iyo waaqica jira lagu saleeyaa. Maanta Soomaaliyi xaalad adag bay dhan walba dhex-muquuranaysaa, dhibaato ay iyadu isu-keentey. Dhanka kale, maanta waxaa Soomaaliya gacanta ku haya Maraykan, Boqortooyada Midowdey [UK] iyo wixii la hal-maala. Markaasi sidee bay suuraggal u noqonaysaa in Maraykan la miciinsado, saaxiibkooda ugu dhowna laga fogaado oo la faquuqo!

Wakhtiga, sida iyo qaabka arrintaasi loo galayo ama loo maareeynayo waxay u taal dawladda Soomaaliya, waxase muhim ah in cadaawadda dawladaha waaweyn la iska mooso intii suuraggal ah.

Qore: Cabdisalaan Biligsey

04.12.2017

One Response to Israa’iil iyo Falastiin: Eegmo-siyaasadeed oo Cusub