Itoobiya iyo Puntland oo ku heshiiyay in la isku furo ganacsiga labada dhinac

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kula heshiiyay dowladda Itoobiya sidii la isagu furi lahaa ganacsiga labada dhinac.
Tuurdibi Puntland Ethiopia
Madaxweynaha ayaa kala hadlay mas’uuliyiinta dalkaas sidii loo dhammeystiri lahaa hirgelinta Kastam-ka Tuur dibi oo ku yaalla xuduuda Puntland ay la leedahay Itoobiya,wuxuuna Katam-ku albaab u noqon doona ganacsiga labada dhinac.

Cabdiweli oo u waheliyo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya, Mss.Hirut Zemene ayaa usoo jeediyay guddi labo dhinac ah ee ka shaqeynaya dhimaystirka Kastam-ka Tuur dibi in si dhaqso ah loo dardargaliyo howlaha dhiman.

Guddiga Itoobiya u qaabilsan dhammeystirka Kastam-ka waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Arrimaha Africa iyo IGAD Mr.Berhane Fisseha, halka dhinaca Puntland uu guddigan guddoomiye u yahay wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiweli Xirsi Indha-guran .

Kastam-ka Tuur Dibi waxaa laga hirgelinaya meel u dhow degmada Galdogob ee gobolka Mudug, waxaana lagu micneeyay inuu halbowle u noqonayo ganacsiga Puntland iyo Itoobiya,waxaa kalo ay Puntland ka faa’iidi doonta kastam-ka xoolaha inay suuq ka helaan dalka Itoobiya.

One Response to Itoobiya iyo Puntland oo ku heshiiyay in la isku furo ganacsiga labada dhinac