Muuse Biixi: Xasan Shiikhow; Ninka yiri waxbaan Gani Anoo Gol iyo Cayn Joogga, oo yiri baddii Garacad baan Gudub u Waydaaran, Godka Lagu Cadaabyow Muxuu Go’uhu Been Sheegay (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Soomaaliland Muuse Biixi oo ka hadlayay Goob ay Xisbigu kaga arrinsanayeen Musharaxa Madaxwaynaha Mustaqbalka Xisbiga oo loo badanayo in uu Muuse noqdo, ayaa Muuse wuxuu Goobta kaga jawaabay hadalkii Xasan sheikh ee ahaa Soomaaliland waxay si dadban ugu jirtaa shirarka wadatashiga ee DFS, ayuu Muuse usoo qaatay oraahdii Sayid Maxamed Cabdalla Xasan ee caanka ahayd ee ninkii Faanka Badnaa ee Faanay ee Syaidku ka sheekeeyay oo Sayidku ugu jawaabay

Ninka yiri waxbaan Gani Anoo Gol iyo Cayn Joogga, oo yiri baddii Garacad baan Gudub u Waydaaran, Godka Lagu Cadaabyow Muxuu Go’uhu Been Sheegay

Dhanka kalena Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay haldoorka Beesha Garxajis in ay ku taageereen Feerkii uu Cirro la boobay Gudoomiye ku xigeenkiisa xilli xooggaa muran ah ay arrintu Taagnayd.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Haldoorka Beesha Garxajis ay Gardaradii Cirro ku garab istaageen

Hoos ka daawo