Jawaari: Doorasho kama dhaceyso Soomaaliya

Filed under: Wararka |

Golayaasha dowladda iyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada guud ee dadwaynuhu mid mid u codayn karo 2016.

Kulan ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho kadib, ayaa lagu dhawaaqay go’aan ay si wadajir ah u gaareen labada Gole.

Kulankaasi, oo uu baarlamaanka hor tagay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa xaadiray 158 Xildhibaan, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan(Jawaari) oo kulanka shir guddoominayey, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la gaaro go’aanno waxtar u leh dalka iyo dadka, balse aanan la aqbali karin in la carqaladeeyo howlaha umadda loo hayo.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka hor xilliga ay ku began tahay in shir uu ka dhaco magaalada Muqdisho beri oo Arbaca ah, waxaana lagu waday in ay ka qayb galaan dawladda federaalka, maamul-goboleedyada iyo beesha caalamka, kaasoo looga looga hadlayo qorshaha Soomaaliya ee sanadka 2016-ka.

Source BBC-Soamli