Jigjiga: ddsi oo ansixiyay miisaaniyadda 2015 oo gaaraysa 324 million4$

Filed under: Wararka |

Jigjiga(CN) Talaado-15-07-2014, Sida aad wararkayagii hore kala socoteen, ajendeyaasha kalfadhiga 9aad ee Golaha xildhibaanada DDSI ee ka socday Qaryaan Dhoodaan, waxaa kamid ahaa ansixinta miisaaniyada guud ee sanadka 2007 iyo qodoba kale. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Mubashir Dubad Rage ayaa Guriga usoo jeediyay warbixinta miisaaniyada.
baarlamaanka ddsi
Waxayna baarlamanka DDSI cod loo dhanyahay ku ansixiyeen miisaaniyada sanadka bilowga ah ee 2007 oo cadadkeedu dhanyahay 6.4 Billion oo birr. Iyadoo uu baarlamanku ansixiyay miisaaniyada dhan 6.4 billion ayaa waxaa jirta miisaaniyadaha kale ee ka kala imanaya haayadaha oo qiyaas ahaan gaadhaya in kabadan 1.7 billion oo birr, taasoo ay xukuumadu si toos ah u maamusho.

Miisaaniyada uu baarlamanku ansixiyay oo dhan 6.4 bilyan ayaa xooga saaraysa dhinaca mashaariicda biyaha oo ah qorshaha 1aad ilaa 4aad ee xukuumada DDSI. Iyadoo ay xukuumada ka duulayso baahida shacabka ee ku aadan horumarka ayay xukuumadu saartay culayska miisaaniyada oo loo badiyay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ee ay kamidka yihiin jidadka, buundooyinka, isgaadhsiinta, laydhka(electricity) iyo dhismayaasha aasaasiga ah.
Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar uu kahadlayay qoondaha miisaaniyada ee dhinacyada mashaariicda sheegay in ay xukuumadu markasta si daraasaad leh uga duushay baahida shacabka islamarkaana ay xukuumadu miisaaniyada culayska saarto dhinacyada ay baahida shacabku u badantahay ama u darantahay sida biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale miisaaniyada kale ee laga filayo inay katimaado haayadaha, cadadkeedana lagu qiyaasay inkabadan 1.7 billion oo birr ayaa kakala imanaysa haayadaha hoos ku xusan.

1) Mashruuca Horumarinta Bulshada Reer-Guuraaga ah ee PCDP/World Bank, barnaamijkan oo ay miisaaniyadiisu dhantahay 300,000,000 milyan oo birr ayaa sanadkan cusub ee 2007da waxaa lafilayaa in 54 degmo laga hirgaliyo iyadoo ay sanadkii 2006da ay ka qalinjabiyeen 14 degmo.

2) Barnaamijka Dadka Danyarta ah PSNP oo ay miisaaniyadiisu dhantahay 150,000,000 milyan oo birr ayaa sanadkan 2007da waxaa lafilayaa in lagu baahiyo degmooyinka DDSI oo dhan. Waxaana hada barnaamijkan kusoo biiray Urban PSNP oo ka hawlgali doona magaalooyinka. PSNP wuxuu ka hirgali jiray 28 degmo sanadkii hada u danbeeyay ee 2006da T.I.

3) Barnaamijka Fayo-dhowrka iyo Nadaafada ee WASH hada kahor wuxuu ka hawlgali jiray heer deegaan waxaana sanadkan larajaynayaa in degmooyinka loo fasixi doono, miisaaniyada barnaamijka ee xog ahaan lagusoo dhigay cadadkeeduna wuxuu dhanyahay 400,000,000 milyan oo birr.

4) JEQUIP/Barnaamijka Tayo-galinta Waxbarashada oo ka hawlgala sectorka waxbarshada iyo dugsiyada oo dhan ayay miisaaniyadiisa sanadka 2007 cadadkeedu dhanyahay 150,000,000 milyan oo birr. 5) ADB/African Development Fund oo miisaaniyada laga filayo ay dhantahay 580,000,000 milyan oo birr.6) UN agencies/Mashaariicda ay Qaramada Midoobay maalgaliso oo dhan 210,000,000 oo birr.

Golaha xildhibaanada DDSI Waxaa Kaloo ay ansixiyeen Siddeed Bayaan iyo qodobo kale oo muhiim ah kuwaas oo aad faahfaahintooda heli doontaan goor dhaw hadii ALLe idmo.

Source: http://cakaaranews.com/wararka-separator/wararka-degaanka/4360-baarlamanka-ddsi-oo-ansixiyay-miisaaniyadii-sanad-miisaaniyadeedka-cusub-ee-2007-t-i-iyo-qodobo-kale-oo-muhiim-ah.html