Ka Qaxiddaydii Xamar

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

BILIGSEY

Ka Qaxiddaydii Xamar

 

Hal la qalay raqdeedaa

Lagu soo qamaamoo

Qalalaasihii baa

Ninba qurub haleeloo…

Qosol wuxu ka joogaa

Qubanahaa dambeeyee

Wali qaba hamuuntee

Buuraha qotada dheer

Ka arkaaya qiiqee

Qarka soo jafaayee…”

Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” (1973)

 

Hordhac

Jannaayo 26, 1991, waxaa soo gabageboobay xukunkii qallafsanaa iyo qabyaaladdii militeriyeysneyd ee Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Inta badan, ummadda Soomaaliyeed waxay fileysey in laga raysan doono. Hayeeshee, wax lama filaan ah ayaa dhacay! Jabhadihiii (qabiilladii) Siyaad Barre ridey halkii ay dawlad ka dhisi lahaayeen, Soomaalida isu soo celin lahaayeen, waxaa lagu dhaqaaqay, gaar ahaan, jabhadda USC oo qabiilladii Reer Muqdisho laf-dhabar u ahaayeen foolxumo iyo filanwaa. Dalku wuxuu galay dagaal-sokeeye; waxay go’aansadeen inay is-raaciyaan Maxamed Siyaad iyo wax lagu sheegey “Reerka uu ka soo jeedo” oo ay ka dhigaan arrinta qori iyo qiiqiisaba waa la is-raaciyaa. Dagaalkaasi, sida laga warqabo, wejiyo badan buu lahaa ama yeeshay. Ilaa maanta oo la joogo 2017 waa uu socdaa, qaabkuba ha kala duwanaadee.

Daagaalkaasi wuxuu noqday mid aan la mahadin, ummadda Soomaaliyeedna wuxuu gayeysiiyey in burbur dhinacyo badan lihi soo gaaro: dawladnimadii oo meesha ka baxda, qax ballaaran iyo kala-carar ku habsaday; qof waliba wuxuu aaday meeshuu is-lahaa waad ku nabadgeleysaa. Boqollaal kun waxay u qaxeen ama nabadgelyo u doonteen adduunka daafihiisa. Dalalka la kala aaday waxaa ka mid ah: Maraykan, Yurub, Carabaha, waddammada deriska ah. Dadkii Soomaaliyeed waxay noqdeen dad dawarsada oo loo dawariyo!

Sida la wada ogyahay Soomaalida, guud ahaan, waxaa lagu xantaa dad aan dalku la weyneyn. Xisbiyo iyo fekredo aydiyaloojiyeed wali hanaqaad ma aha. Dadku wali mujtamac-ahaan waxay u dhisan yihiin qabiilooyin iyo qoysas-hoosaad. Sidaas darteed, halgankii ujeeddadiisu dad badan u la muuqday mid lagu ridayo oo keli ah dawlad xumaatay, wuxuu noqday mid reeba colaad ma-hadho ah oo dhex-marta dad wax walba wadaaga. Boqollaal dhallinyaro ah oo reer miyi ah ayaa gacanta loo haadiyey, si ay dagaalkaasi reer-reerka ku dhisan xaabo ugu noqdaan.

Xubnihii dawladdii Siyaad Barre ku wada-jirey baa qaar waxay noqdeen kuwo adkaaday, qaarna waxay noqdeen kuwo laga adkaaday. Bal malee waxa dhacay! Xuseen Kulmiye Afrax, madaxweyne ku-xigeenkii dawladdii la riday wuxuu noqday geesi, Cabdiraxmaan Jaamac Barrena wuxuu noqday nacab.

Nacaybka Soomaalidu waa mid wadciga iyo xaaladda hadba la joogo la socda. Kuwii awal dhalashada isku bahaystay (USC Cali Mahdi & USC Caydiid) ayaa iyagu iska horyimid. Dhiig aad u badan ayaa ku daatay awood-ku-dagaallankii goobta ka dhacday. Natiijadu waxay noqotay in, fashil ballaaran ka dib, USCda kuwoodii reer magaalka ahaa ka daba-tagaan kuwii hore uga qaxay magaalada. Dhab-ahaan waxaa halkaa ku burburay waa ilbaxnimadii iyo wada-noolaanshihii ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer laga shaqeeynayey!

Aniga iyo iska-hadalkay

Waxa aan joogey beer walaalkay leeyahay, hooyana ku nooleyd oo ku taal Afgooye, tuulada Yumbis. Waxaan is-lahaa ayaamo ku gabbo inta Siyaad Barre ka tegayo dalka. Waxaa halkaa iigu yimid dhallinyaro ay soo dirtay Suubban Cabdulle Gorod (Walaalkay kale dumaashidii) oo iyadu wax badan ogeyd, maqashayna in dhallinyaro beerta ka ag dhaw qoryo muddo igu fiiqeysey, si ay iiga kaxeeyso meesha, iyadoo ka fekereysa nabadgelyadeyda. Toddobaad baan gurigeeda ku noolaa, dabadeedna, waxaan tegey guriga walaalkay kale, Maxamed Cali Faarax (Badhaa) oo isagu bilowgii horeba ka qaxay magaalada. Badhaa waxay isku hooyo ahaayeen qoys Sacad ah (Habargidir). Sidaas darteed, guriga waxaa si ku-meel-gaar-ahaana u la wareegay walaalihi hooyo, anigana nabadgelyadeyda xil gooni ah iska saaray.

Guriga isaga ah bil ku dhan baan joogay. Bishaasi buugaag badan oo Badhaa ka tagey baan marti u noqday. Buugaagtii aan halkaasi ku akhriyey waxaa ugu mudnaa buug la yiraahdo “A Tear for Somalia”. Waxaa qoray nin la yiraahdo Douglas Collins oo ka mid ahaa Maammulkii Milateriga Ingriiska (British Military Administration) ee 1940maadkii ka talinayey Soomaaliyadii Talyaanigu xukumi jirey. Mr. Collins wuxuu ahaa qof ku eega Soomaalida il naxariis leh. Haddana, caynkaasi oo ay tahay welwelkiisa ku aaddan is-maammul Soomaaliyeed ma uu qarin. Buuggaasi xusuus badan buu igu reebey waayo wuxuu inta badan ka sheekeynayey waayo-aragnimo la’aanta Soomaalidu u leedahay Dawladnimada iyo waxa ku dhici kara. Erayada aan ka xusuusto waxaa ka mid ah, markuu si qotodheer uga warramay itaal-darradooda ku aaddan is-xukunka buu yiri, isagoo digniin bixinaya: “Haatan labaa is-raacday kuwii Ingriiska iyo kuwii Talyaanigu haysan jirey (1960). Dawladihii dadkan xoriyadda siiyey waa inay ka warqabaan, la socdaan (markii xoriyadda la qaatay dadka Soomaalidu waxay 85% in ka badan ahaayeen dad Reer guuraa ah) xaaladdooda, haddii kale, waxay noqon doonaan, ugu dambeeynta, kubbad lagu ciyaaro oo qoloba qolo u laaddo (an international plaything)”. Waxaan ka yaabay sida saadaashiisii u dhabowday! Waxaad mooddaa in buuggaasi in badan culeyskii i haystey iga riday.

Muddadaasi aan ku xeraysnaa guriga, waxaa la ii sheegay dad xaafadda ah oo dhiiggeyga raadinaya. Arrintaasi, malaha, waxay ku dhalisey in qaraabadaydu i jiscinto oo baabuur i la raadiyaan aadaya xaggaas iyo dhulkii aan asal-haan ka soo jeeday.

Anigu qof-ahaan, waxaan ka mid noqday boqollaal-kun oo ku barokacay dalka gudihiisa. Si aan lafahayga u badbaadiyo, waxay talo noqotay in aan Muqdisho ka haajiro. Maagaalada Muqdisho, magaalooyinka Soomaaliyeed way iiga duwaneyd. Waa magaaladii aan ku garaadsaday (waxa la ii geeyey anigoo wiil gaban ah), ku barbaaray, wax ku bartay. Maaddaama, berigaas Daarood-doon la ahaa, magaca kolonyada baabuurta ahi ku socotay oo la sheegan jirey waxay ahaayeen qabiillada Isaaqa, Gadabuursi, iwm. Sida la ogyahay, guud-ahaan, qabiillada waqooyiga degaa waa isku lahjad dhow yihiin. Baabuurta kolonyada ah ee aan la socday waxaa markan lahaa Reer Boorame. Gawaaridu dabo iyo dacal waa la rarrayay, hadday noqoto gaariga afkiisa hore iyo rimoorka uu jiidanayo. Qofka nasiibka lihi wuxuu ahaa kan uun meel ka hela baaburka intiisa hore; arrintu waxay ahayd meel uun cagta ii geli!

Maxaa dhacay?

Sii-socodkeennii, habeen waxaa seexannay maagaalada Jowhar. Aroor hore ayaan maalintii dambe ka soo kicitinnay. Dhulku waa engegnaa, hawadu aad bay u kululeyd, cirkuna daruuro ma lahayn. Waxaa la dhawrayey roobkii Guga. Waddadu way burbursaneyd; meel walba waxaa ka muuqday bus iyo boor iyo leexo cirka isku toleysa.

Markaannu meel dhexe maraynno oo aannu in cabbaar ah ka soo fogaannay Jowhar, ayaa si kedis ah, waxaa noo joojiyey dhallinyaro jidka dhiniciisa dhabbacnayd, tiro-ahaan aan ku qiyaasay dhowr-iyo-toban oo qoryo haysta. Dhallintu waxay siteen macawisyo iyo garammo, diif xoog lihina way ka muuqatay. Baabuurtii waa joogsatay, waxaana lagu amray inay dadka dejiyaan. Odayaashii baaburta mas’uulka ka ahaa way degteen, si ay dhallinyarada u la xaajoodaan, una qanciyaan, ilaa xad ay gaarsiiyeen in ay dhiig-wadaag yihiin, wayse ku qanciwaayeen, waayo burcad dhalasho iyo dhiig midna ma yaqaan, wax micne ahna u sameeyn mayso. Waxa keli ah ee u mudnaanta siinayaa waa dhac iyo wuxuu boobo! Qir-iyo-qir baa arrini gaartay, ka dib, markii hadalkii la isku celceliyey. Burcaddu waxay dadkii ku amreen in baaburta laga degto, odayaashiina waxay, iyana, amreen inaan la degin! Wixii markaas ka dambeeyey muuqaalkii wuxuu isu beddelay murugo dhab ah! Mar keli ah, waxaannu maqallay dhawaqa rasaasta. Haweeney hortayda fadhidey oo nuujineysey ilmo yar ayaan waxaan arkay iyadoo indhaha caddeyneysa iyo dhiig gebi-ahaan qariyey. Gabadhii iyo ilmaheediiba xabbad baa isu martay, goobtii bayna ku geeriyoodeen. Allaha u naxariistee, waxay ahayd gabar cas oo cuddoon; waxaa la socday seygeedii, nin dhuuban, dheer oo dhallinyaro ah. Waxaan maleynayaa in ilmuhu ahaa kii ay ku curteen.

Ma war baa yaal! Si halhaleel ah ayaa baabuurtii looga daatay. Dabcan, inta marka hore dhulka tegeysa waa inta xoogga leh. Dadka da’da ah iyo kuwa culus muddo ayay ku qaadanaysaa. Kolkii in xoogaa ah gaarigii aan u jirsaday baan dib u soo eegey. Waxa indhahaygu qabteen waa waxaanan weligey illoobeyn! Dadkii waayeelka ahaa markay isugu yimaadeen oo ku soo dhammaadeen gaariga hoostiisa ayaa mid habaar-qabe ahi ku soo giraangeriyey bambada gacanta laga tuuro. In badan xooggii qaraxa ayaa kor u qaatay, dabadeena dhulka ayey, sidii quraarad jabtay, ku daateen! Dadkii waxay noqdeen wax meeshii ku nafwaayey iyo qaar ku dhaawacmay – dhaawac halis oo abid la socon doona! Waxaa arrintii na qabsatay ka war helay Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska dhallinyaradii caynkaasi noo gashay. Ugaas Khalif oo ka xun wixii dhacay ayaa noo soo diray ciidan na “badbaadiya”. Waxaan goobtii  kala tagnay 6 meyd ah iyo 22 dhaawac ah.

Gurmadkii la soo diray

“Ciidan gurmaad ah” ayaa na soo gaaray oo uu Ugaas Khaliif isku soo duway. Ugaaska waxaa lagu sheegay nin wanaagsan, sharaf leh, diin iyo qiyam toosan leh, hayeeshee, reerku ka farabbaxsaday, siyaasadihii fooshaxumaa ee dalka ka socday awgood. Gurmadkii waa na soo gaaray, qolooyinkii hore noo haystey wey naga furfureen waayo way ka qoryo weynaayeen. Way na soo kaxeeyeen, laakiin, markaan in-yar ka soconnay, walise aan kuwii isu-muuqanno ayay iyagii naloo soo diray nagu soo kala-fireeyeen oo qoryahoodii waaweynaa nagu soo jeediyeen. “Is-baara oo isku dar-dara!”, ayaa horjoogahoodii nagu amray. Waa la is-wada eegey waayo wax nagu haray baan jirin. Si kastaba ahaatee, wixii wuxuun u harsanaayeen baa wax isku daray! Safarkii baannu dib-u-bilownnay. Waxaan tagnay oo gaarray magaalada Buulo Barde; waxaa naga horyimid Ugaas Khaliif oo ka dheregsan waxa na qabsaday. Buulo Barde waxaannu ku aasnay lix qof oo isugu jira carruur, haween iyo dad waaweyn. Dadkii goobtaasi lagu xabaalay waxaan ka xusuustaa nin la oran jirey Daahir Rabbiile Good oo ay walaalo ahaayeen Muuse Rabbiile oo xubin ka ahaa Golihii Sare ee Kacaanka.

Waddo halaq-mareen ah

Waddada Xamar iyo Beled Weyne u dhexeysa waxay noqotay halaq-mareen. Toddobaad ka hor waxaa naloo sheegey in lagu dilay rag lagala haray kolonyo baabuur ah! Raggaasi dembiga qur ah ee ay gaaleen wuxuu ahaa inay hayb-guud wadaageen Siyaad Barre. Dadkaasi waxaa ka mid ahaa nin qoraa caan ah ahaa, Soomaaliduna wada taqaan. Waxaa la oran jirey Faarax Maxamed Jaamac “Cawl”. Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah, “Aqoondarro waa u Nacab Jacayl”; waa buug cinwaankiisu ku habboon yahay cawaannimada dalka camimtay. Toddobaadkii naga dambeeyana waxaa lagu laayay rag uu ka mid ahaa Xaaji Kore. Waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Beled Weyne, xitaa intaan dawladdu dhicin, waxaa ka iman jirey warar dhiillo leh: dad la laayay, kuwo la furtay iyo dad aan is-geyin oo lagu amray inay wax iska doonaan. Waxaan dhihi karaa waa meeshii dhaqan-xumadu ka soo bilaabatay. Waa dambe, waxa la ii sheegey inay wax oo dhammiba ahaayeen ku-talo-gal si loo kala jaro waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.

Kolkaan xuduudka ka soo baxnay, waxaan nimid magaalada Shilaabo. Shilaabo goortaan nimid waxaan ku daadannay buushash shaah barraad ah lagu kariyo. Dadka inta badani, oo aan ku jiro, waxay shaaha ka dhiganayeen cunto. Hakasho yar ka dib, waxaannu uga sii gudubnay magaalada Wardheer. Magaalooyinkan way magac dheer yihiin, lakiin, run-ahaan, waa tuulooyin Itoobiyaanka xeryo ciidan u ah (Haatan waxaa la ii sheegey inay yare-koreen oo dawladdu adeegyo geysey). Magaalada Wardheer waxaa weeye goobtaan ku dhashay, hayeeshee, layga kaxeeyey aniga oo canug yar ah. Inaan Wardheer nimaadno waxay nagu qaadatay 13 maalmood oo baqdin iyo argaggax leh! Magaalada Wardheer waxaan ka heley qaraabo iyo nabadgelyo xagga maskaxda ah, sidaas darteedna, waxaan joogay 20 cisho. Wardheer waxaa igu soo dhoweysey gabar aan adeer u ahay oo la yiraahdo Cibaado Jaamac. Dhowaan bay geeriyootay, Eebbe naxariistiisii janno ha siiyo.

Gunaanad

Anigu, qof-ahaan, wixii dhib ahaa ee Soomaali ku dhacay waxaan dusha uga tuurayaa Soomaalida qudheeda waayo ciidan ku soo duulay ma jirin iyo cid bannaanka uga timid. Amarka iyo kala-dambeeynta iyo dawladnimadooda waxay ahayd inay iyagu ilaashadaan. Duminta dawladdii Soomaaliyeed dad badan baa ka qaybgalay, laakiin, waxaa mas’uuliyadda iyo xilka koowaad yeelanaya dadkii iyo madaxdii maammuleysey dalka, kuwaasi oo uu kow ka yahay Maxamed Siyaad Barre. Siyaad Barre wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo Soomaali is-jeceshahay; wuxuu ka tagey iyadoo Soomaali is-cuneyso. Ninkaasi inuu Soomaali haadaan ka riday waa marag-ma-doonto, kun sano oo soo socotana waa la xasuusnaan doonaa.

Markaan intaasi iraahdo, haddana, waxa la ogyahay in Siyaad Barre iyo beesha caalamku, gaar-ahaan, waddammada Reer Galbeedku is-qoonsadeen, sidaas darteena ay jecleysteen inay meesha ka saaraan, sababtu waxay doonto ha noqoto. Su’aashu waxa weeye sidee taasi ku imanaysaa? Ma waxaa la halligayaa ummadda oo dhan? Siyaad Barre culeys aan badneyn buu u baahnaa si uu u tago, micnaheeduna yahay in la kala reebo shacabka aan waxba galabsan iyo xukumayaashooda. Kenyaanku kolkii ay isu-gacan-qaadeen 2007kii waa la soo faraggeliyey, waana lagu kala-hogoogtay; halka Soomaalida dariishadaha iyo albaabbada loo soo xiray si ay isu-xasuuqaan.

Sida cid walba u muuqatay Soomaaliya waa dal aan saaxiib ku lahayn mujtamaca adduunka, gaar ahaan, wixii ka dambeeyey dagaalkii 1977. Soomaaliya waxay muuqaal-ahaan u ekayd nin miyi jooga, fooryaya oo ul labada garab u kala ritay, shidanaaba shidan! Adduunyo waa ama talo-keen ahaw ama talo-raac ahaw. Waxaan is-leeyahay, waa cashar loo baahan yahay inaan la illaawin!

 

Qore: Cabdisalam Cali Faarax (Biligsey)

 

7 Responses to Ka Qaxiddaydii Xamar

  1. Cabdisalam Cali Faaraxow,

    Waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirtid Faqash Farmaajo oo u muuqda in
    uusan ka waantoobin waddadii adeerkii, gaalkii beeniyay aayadaha Ilaahay ee Afweyne (Alla uma naxariistee).

    Sida uu ku socdo Farmaajo waxaa laga dhaxli doonaa qax iyo balanbal labaad.

    Is-waansada oo is-xakameeya haddii aad Daarood tihiin.

    SANSAAN COLAADEED BAA II MUUQANAYA OO AAN LA MAHADIN DOONIN CIRIBTIISA.

    FARMAAJO MABA DHALAN EE DHOGOREYSAN OGAA. MA FOOL BAA? ILLOWSHIINYO DHOWAA!

    SOW KAA DURBA U XIISAY WADDADII HABAAR WAALID EE UTANGA AROOREYSAY!

    Eerible Faranfar
    October 6, 2017 at 9:39 pm
    Reply

  2. Cabdisalam Cali Faaraxow,

    Waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirtid Farmaajo oo u muuqda in uusan ka waantoobin waddadii adeerkii,

    Afweyne ahaa (Alla uma naxariistee).

    Sida uu ku socdo Farmaajo waxaa laga dhaxli doonaa qax iyo balanbal labaad.

    Is-waansada oo is-xakameeya haddii aad Daarood tihiin.

    SANSAAN COLAADEED BAA II MUUQANAYSA OO AAN LA MAHADIN DOONIN CIRIBTEEDA.

    FARMAAJO MABA DHALAN EE DHOGOREYSAN OGAA. MA XAWALEY BAA? ILLOWSHIINYO DHOWAA!

    SOW KAA DURBA U XIISAY WADDADII HABAAR WAALID EE UTANGA AROOREYSAY!

    Ingiriiska ayaa ku maahmaaha:

    COMING EVENTS CAST THEIR SHADOWS BEFORE:

    DHACDOOYINKA IMAN DOONA HARKOODA AYAA KA SOO HORREEYA.

    WALLEE WAX BAA SALAG LEH!

    Eerible Faranfar
    October 6, 2017 at 10:21 pm
    Reply

  3. maasha allah. Wallaahi maswir yaab leh oo dadka aan ka mid ahay wax ka arkeen baad ka bixisey. laakiin nasiib wanaag dadka manta jooga aanay waxba ka ogeyn intooda badan.
    Waxaan xusuustaa in meel habeen aan ku dhaxay anigoo qax ah aan ka habeensaday meella raadinayo dadka aniga igu heybta ahaa. Kaaga darran aniga ayaa xitaa la I weydiinayaa bal inaan arkay wax reer hebel ah. Subxaana allah. Ma biqin been dheh. Laakiin habeenkii dagaal ayaa meeshii ka dhacay. Aniga iyo in yar oo kale ayaa alle ka nabad galiyey. Al xamdulilah. Alle nin heystaa wheel kale uma baahna.

    Abdulaziz
    October 7, 2017 at 6:51 am
    Reply

  4. Walaal,
    Nin baa wuxuu yiri haddii qof wal oo Soomaali ahi qoro wixii uu dhib kala kulmay dagaalkii-sokeeye taariikhda (dagaallada) Soomaalidu wey qoran taahay. Sidaan wada ognahay, dagaalku Xamar kama bilaaban, Xamarna kuma dhammaan. Wuxuu saameeyey dadka ku nool laga soo bilaabo Raas Kiyaambooni ilaa iyo Lawyacaddo iyo inta u dhexeysa. Haddii ay dhibaato kaa soo gaartay dagaalkii-sokeeye, fadlan, nala wadaag!

    Cabdisalaan

    Abdisalam Ali Farah
    October 8, 2017 at 7:58 am
    Reply

  5. Sidaan kuu sheegay Cabdisalaan, nin Idris la yidhaa oo reer Boramme ah oo hayaankaa dheer idinla soo galay ayaa akhriyey maqaalkaaga, dhab ahaanta sheekaddaadana xaqiijiyey.

    saeed
    October 9, 2017 at 3:44 pm
    Reply

  6. Ku socota wiilka qooqan oo isku magacaabay Eerble Faranfar adeer xaal qaado adoo kale looguma talagelin qorraalladaas oo kale inaad akhrisid.

    Siciid Cadde
    October 10, 2017 at 12:44 pm
    Reply

  7. Abdisalaanow

    Maqaalkan nin qooqan looguma tallo gelin ee wax ku qaado waayaha. Angu waxaan qabaa xog-waran naftaada ka soo go’ay waa arrin ku fiican qof waliba inuu qoro wuxuu arkay. Inta la maqlo ayaa badan laakiin waxa la arko ayaa cibro kuugu fillan
    Kolba waxaad xasuusato ku soo dar. Dad fara badan oo wadadaas soo maray intaa aad soo qortay baa ugu yar.
    Inj. Yusuf Xaayow, asna sawir la mid ah ayuu ii sheegay. Waxaa argagax ugu filnaa dadkii ka horeeyay waxa gaaray laakiin nasiib wanaag wax dhib ah oo la sheego ma soo gaarin.
    Qoraalka wad khayr iyo xoriyad nafsi ah baad ka heli. Khayr

    Abdulfatah Gacmadheere
    October 12, 2017 at 10:09 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *