Kaana Siib, Kanna Saar!

Filed under: Important News,Wararka |

Kaana Siib, Kanna Saar!

abdillahi-suldaan-mohammed-timacade
In dhoweydba waa taan salallay, sadarradaydiiye
Ma safeeynnin maansooyinkaan, saayidkow helaye
Salku leeye ayaamahan ma bixin, Soonfur dabadeede
Subicii dhammaadaba mar baan, saari jirey luuqde
Siddo la qabsaduu leeyihiyo, Subucyo dhaadheere
Labadaba markuu seego waa, iga surgacantaaye,
Aan safeeyo maanto’e tixdii, sihatay laabteeye.

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaanso oo
Siigadoon isku aasiyo
Sabo reer ka fogaanninoo
La ii aamminin soofkiyo
Saacan maanta aan joogno,
Gabaygu waygu sugnaayoo,
Suxufiinta dhawaaqdana,
Anigowgu sarreeyaye,
Haddii aan sixi waayo
Ama aan sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
Ama aan ka salguuro,
Amaba laygu saluugo,
Saamiciinta i maqlaysaay,
I su’aala hadhowto!

Ilaahaan waxba seegine,
Subaciisa Quraankiyo,
Sabbaxooyin ku sheegayow!
Saciira iyo Naciima,
Rabbigii kala seerayow!
Markay suurtu dhawaaqdo’e,
La soo saaro makhluuqa
Shaqiga iyo saciidka,
Maalintaad kala soocdo,
Dembigaannu samaynnay,
Rabbigayagow naga saamax!

Subciyoo ka dukeeyaye
Sawd kaleetana waa;
Soomaaloo calan taagta
Saakay noogu horreysa oo,
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynnine,
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo,
Safrad laygama yaabo
Sarimayso naftayda’e.

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Ka siddeetan sabaan,
Calankaannu sugeynnayee,
Sahankiisa ahaynow!
Seermaweydo hillaacdayow!
Sagal maanta darroorayoo,
Siigadii naga maydhayow!
Saqdhexaannu ahaynne,
Kii soo saaray cadceeddow!
Samada kii u ekaaye,
Xiddigaa mid la siiyow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Saalixiinta Islaamku,
Sirta kay ku arkeenow!
Saahidiinta Quraanka,
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku,
Calankay sahadsheenow!
Cidina kaanay na siinine,
Saatir noogu yaboohayow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Sankuneefle dhammaanti,
Khalqiga kii u sinnaayee,
Mid saaxiib la ahaynow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Kii saaciddada keenayow!
Sedadu kay ku xidhnaydow!
Sallaankii Istiqlaalkow!
Seyruuqii Afrikaadow!
Siraadkii na iftiinshaye,
Soomaaloo dhan xorreeyayow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Faralka iyo Sunnaa iyo
Wixii diinta ku saabsan
Cad kii na saddexeeyayow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Kii gumeysiga saaraye,
Isticmaarkii sumeeyaye,
Seedihii kogsanaa iyo
Seetadii naga gooyayow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Soomaaloo is cunaysa oo
Isa seegan dhammaannoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Sarraaraa demin weydey,
Kii laydhiisu na saaqday,
Kii sadqeeyey qabaa’ile,
Isu saaray gacmaayee,
Saf walaala ka yeelayow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Nimankii na siraayayee
Waax-waax noo kala saaftaye,
Solanaayay cadkeenna,
Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray,
Kii sadkeenna cunaayay
Sarartiisa ka muuqdaye,
Surwaalkii ka yaraadaye,
Daaro loo sibidheeyiyo
Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo
Mid baabuurka sifeeyiyo
Sagaal booy iyo kuug iyo
Aayad saarta carruurtiyo
Weliba seeska lahaa,
Kii sabaanka u laabayow!

Saaxirkii kala guurraye,
Sarreeyow ma nusqaamow!
Aan siduu yahay eego’e,
Kaana siib, kanna saar!

Sowjarkaa hubka qaataye,
Intuu soodhka ku taagay
U diyaara salaantiyo,
Saraakiisha amraysaay!
Sifihii isticmaarka,
Ka siyaadiya maanta
Sibilkeennaan ag joogow,
Sibirtiisa istaaga!
Nin walbaa sigib beelo,
Sarrow taaga gacmaa oo,
Sacabka isku garaaca oo,
Nin walbaa saddex goor,
Subxaanow waa mahaddaa, dheh!

Cabdillaahi SuldaanMaxamed “Timacadde“
[1920 – 73]
Hargeysa, 25kii Juun, 1960

2 Responses to Kaana Siib, Kanna Saar!

  1. Pingback: kimsin sen

  2. Pingback: Skrota bilen Göteborg