Khayre Oo Sheegay In Sacuudigu 50$ Million Ugu Deeqay DFS (Soomaalida Oo Qalad ka Fahantay Shaqada DFS Qormo gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Raysal wasaare Khayre ayaa sheegay in Dawladda Sacuudiga ay DFS ugu Deeqday 50$ Miliion.

Hadaba haddii aad eegtid magaca DFS, DFS waxay u taagantahay Galkii ama bashqaddii ay ku dhex jireen dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Shaqada DFS sideedaba waa diyaarinta siyaasaddii lagu hagi lahaa Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Dhamaan dawladaha qaatay nidaamka Federaalka, wasaaradahoodu wax hawla ama shaqo ah ma qabtaan, laakiin waxay qorsheeyaan oo nashqadeeyaan siyaasaddii ay ku shaqayn lahaayeen wasaaradaha maamul gobaleedyada.

Shaqadda wasiirka DFS waa nashqad samayn ee ma ahan hawl fuliye.
Marka ay lacag DFS soo gasho, waa in DFS ay ayagoo wasaaradaha maamul gobaleedyada la tashanaya qorsheeyaan shaqooyinka wasaaradaha maamul gobaleedyada iyo maaliyaddii ay ku shaqayn lahaayeen.

Baahida shaqada la qabanayo waa in ay ka timaaddaa dhanka maamul Gobaleedyada, ee ma ahan in DFS iyadu soo qorshayso.

Hadase DFS waxay u shaqaynaysaa sidii Maamul Gobaleed u shaqaynaya sidii maamul Gobaleed ka mida maamulada DFS, wixii caalamku ugu talo galay dawladaha xubnaha ka ah DFS waxaa goonideeda u qaadanaya siyaasiyiinta haya DFS.

Wasiirada DFS shaqadoodu uu samaynta nashqadda ay wasaaradaha dawladaha xubnaha ka ah DFS sidii ay u shaqayn lahaayeen, ee DFS iyado meelna maba xukunto.

Hadda sida ay DFS u Shaqaynayso waa caqabad hortaagan dawladaha xubnaha ka ah DFS.