Khilaafka Puntland iyo Dawladda Xasan Shiikh Yaa qaldan, maxaase xal ah? (Falanqayn)

Filed under: Wararka |

Sida kaliya ee Soomaaliya Xal lowgu helokaro waa iyadoo uu Soomaaliya ka hirgalo Nidaam Dawladeed oo Dastuurka Qodabada ku qoran aan dhanna looga leexan ee lagu shaqeeyo.

Sida kaliya ee umadi khilaafaadkeeda ku xalisaa waa in la dhawraa sharciyadii lagu heshiiyay ee lawada qortay, waana in markastaa ay Golaha Sharci dajintu si aada isugu taxalujiyaan in ay si cadaalad iyo wadaniyad ku jirtaa ay marwalba u sameeyaan waxkasta oo wax laga badalayo sharciyadii ay ku shaqayn lahaayeen, waxaa kaloo muhiima in ay Soomaaliya hesho Saxaafad madaxbanaan oo shacabka wacyi galin iyo arrimaha Dastuurka sifiican ula socodsiisa.

Markaas ay shacabku garawsadaan in la maxkamadeeyo ciddii Dastuurka dhan uga leexata xitaa hadduu aabahaa yahay ama madaxwayne yahay, waa markaas marka kaliya ee xal soo dhawaanayo.

Inta ay Shacabku Taageerayaan hebel baa waxaa yiri, Madaxwaynahaa waxaa yiri, oo aan la oranayn Madaxwaynuhu ma ku shaqeeyay Qodabaddii aan dhiganay mase waa ka leexday, Soomaaliya wax xal ah haka sugun, Jiilka soosocdana ogaada in aad wado qaldan u jihayseen.
Solution
Hadaan usoo noqda cinwaanka Khilaafka Puntland iyo DFS.
Shacabka ku dhaqan Puntland bil xaqiiqiyan waxay tirsanyaan in Markii ay Soomaaliya dagaalada Sokeeye ka dhaceen, laga soo barakiciyay Koonfurta Soomaaliya oo ay waliba Hanti farabaddan ku lahaayeen, gaar ahaan Caasimaddii Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ay ku heshiiyeen in aan meelna looga weecan raadinta Midnimaddii Sooomaaliya, balse inta Soomaali dib uga heshiinayso ay Sii dhistaan maamul ay danahooda kusii illaashadaan.

Dhibaatada Soomaaliya ka dhacday maynan ahayn mid reer Puntland ugaara ee waxay ahayd mid dacal kadacal saamaysay Soomaali oo idil, loona baahnaa in lahelo wadiiqooyin dhibka jira looga gudbo, oo calaa aqali qofwalbaa xil iska saaro sidii Jiilka danbe wado ka wanaagsan kuwii hore calaa aqali lowgu jihayn lahaa.

Markii Xasan Shiikh uu Madaxwaynaha noqday waxaa dad baddan usoo baxday Kooxda qabsatay dalka in aynan ahayn koox xal doona, ee ay ahaayeen koox ficiltan iyo dana gaar ah doonidooda ay ka go’nayd, waxaana u daliila sida Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay uga qaylinayaan kooxdan, oo marba meel isku qaadaya, mar Dastuurkii Qodabadii ku qornaa badalaya, mar baddii Soomaaliya Iibsanaya, mar la leeyahay waa koox diimeed oo iyagaa waxwalba isla raba, mar aanba ku dhaqmayn xeer Dastuurigii Qodabadii ku qornaa, mar taageeraya dagaalada sokeeya sida dagaaladii ka dhacay Shabeelooyinka oo ay garab si toos ah ula safteen, iyo kuwii ka dhacay jubbooyinka.

Waxaase kasii daran Shacabka Beesha madaxwaynaha oo intooda badani ay Dulmiga ku taageereen Madaxwaynaha maadaama ay isku beel yihiin.

Khilaafka Puntland iyo DFS.
Puntland 100% bay ka garleedahay DFS waayo dhamaan wixii lagu heshiiyay ee nidaamka federaalka ayay Jabiyeen kooxda Xasan Shiikh, waxaana dadkii amakaag iyo fajiciso ku noqotay in uu Xasan Shiikh xitaa wixii uu ku riyoodo isaga dhawaaqayo isagoo aan ka fiirsanayn waxa ka iman kara.

Xasan Shiikh horta waligii gobalka Mudug mayimid, wax wara ma u ahyaa sida loo kala dago, mase ka qaybqaatay in ay heshiiyaan Beelaha Dega Gobalka Mudug.

Kooxda xasan Shiikh waxay xasaasiyad ka qabaan beesha kasoo jeeda waqooyiga Mudug, waxayna xitaa ka illaashaan Siyaasadda oo hadaad aragto shaxda awood qaybsiga xukuumadda DFS waxay kooxda Xasan Shiikh ka illaasheen siyaasiinta beesha waqooyiga Mudug kasoo jeeda iyagoo isle waa dad firfircoon oo fahmi kara ujeedooyinkiina guracan.

Hadana kooxda Xasan Shiikh waxay isla garteen Haddii Waqooyiga Mudug la hoos geeyo koonfur waxaa meesha ka baxaya Jiritaanka Puntland, marka si Puntland loo burburiyo kooxaan ficilada badan dhankaan soo raaciya.

Qaabka ay kooxda Xasan Shiikh u fakaraan oo dhan waa qaab lid ku ah Jiritaanka Qaran Soomaaliyeed, waana koox aan la arag lana maqal qaab fikirkooda.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Soomaaliyeed waxaa ladoonayaa in ay markii khilaaf yimaado eeda saaraan cidda eeda leh, ee aynan u eegin qabyaalad, waa in ay eegaan horta yaa jabiyay dastuurkii lagu heshiiyay.

Xagee Dastuurka uga Qorantahay in Xasan Shiikh uu inta makarafoon qaato yiraahdo Labadaas gobol waa israacayaan, sow taasi ma ahan wixii Soomaalidu ay kaga hortimid xukunkii kaligitaliska ahaa ee Siyaad Barre, sow hadda looma gudbin in hoos wax laga soo dhiso, in Golaha Sharci Dajinta ay shaqadoodu tahay samaynta Sharciyadii dalku ku shaqaynlahaa, Xasan Shiikh hadii uu ku shaqaynwaayo Sharciyaddii dalka sow in Maxkamad lasoo taago ma ahan.

Reer muqdishow ha ku taageerinina Dulmi iyo Nidaam daro xasan Shiikh, ka fakara mustaqbalka nolosha ubadkiina.

Puntlandobserver Desktop

One Response to Khilaafka Puntland iyo Dawladda Xasan Shiikh Yaa qaldan, maxaase xal ah? (Falanqayn)