Khudbaddii Muuse Biixi Maxaa Soomaaliwayn Xal Uh (Fallanqayn Kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Muuse Biixi Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland ayaa khudbad kooban ka jeediyay xafladdii lagu caleema saarayay.
Muuse Biixi ayaa runtii khudbaddiisu ay ahayd mid qiimabadan leh marka laga eegayo ruuxa Somalilanderka ah ee aaminsan fikirka gooni goosadka iyo caadifadda beesha ee hoose, laakiin waxaan rabaa in aan in yar ka fallanqeeyo anoo ka eegaya dhanka Soomaaliwayn.

Horta fikirka gooni-isutaagga Somaliland, wuxuu ahaa caqabadda ugu wayn caqabadihii burburiyay qarankii Soomaaliyeed, waana muhiim in ay Soomaalidu marwalba waxwalba oo dhaca cidda masuuliyadeeda wax ku lahayd la xuso-
-Dhibkii iyo jabkii Soomaali doo gaaray 27-kii sano ee lasoo dhaafay masuuliyadeeda waxaa lahaa qodobo badan oo marka la isku geeyo u sabab ahaa, tusaale.

1) Qodobka koobbaad waxaan dhihi karaa cadaalad daradii ay sameeyeen xukuumadihii dalka soo hogaaminayay kuwii shicibka ahaa ee 1960, iyo xukuumaddii kacaanka ee Siyaad Barre waxay sameeyeen cadaalad darro sababtay in qarankii Soomaaliyeed burburo, waliba Siyaad Barre dastuurkii Soomaaliya ayuu laallay, oo umaddii wuxuu barrayay muddo 21 sano ah waxa la yiraahdo ONE Man Show Goverment ama dawlad hal shaqsi shandada ugu jirta ama awooddii dalka oo hal nin shandada ugu jirta oo aan cidna talada la wadaagin, waana sida ay hadda madaxda maamul gobaleedyada iyo uruada Soomaalida madaxdeedu u dhaqmaan oo Siyaad barre ayay kasoo koobiyeeyeen in awooddii iyo masiirkii umadda uu hal ruux wada qaatoakhri maqaalkan
2) Qodobka 2aad ee caqabadda ugu wayn ku ahaa burburkii qaran Soomaaliyeed wuxuu ahaa qoladii aaminsanayd fikirka gooni isutaagga Soomaliland saamayntoodii—>> cadayn.
Qolada aaminsanayd fikirka gooni isutaagga Somalilnd waxaa durba taageerray markii horena fikirkaas kala shaqeeyay qolooyin ajaaniba oo iyaguna Soomaalida khaati ka taagnaa ujeedkooduna ahaa sidii soomaali loo kala qaybin lahaa oo loo dulayn lahaa, sidaas la ajligeed magaalada Hargaysa waxayba noqotay laabaratorigii ama xaruntii laga-soo maleegi jiray qorshe kasta oo qaran Soomaaliyeed lagu burburinayo, iyadoo tuulka ama qalabka ugu wanaagsan ee la isticmaalayay uu ahaa Qabyaaladda, waxaanad mooddaa in xarunta labaad ayba noqotay Muqdisho, balse xarunta fikirka qaran soomaaliyeed lagu burburinayo lagu sooo maleegayo ay Hargaysa ahayd.
Marka qolooyinka aaminsan fikirka gooni isutaagga Somaliland ha ogaadaan in aakhiro iyo aduunba loo haysto dhibkii iyo jabkii gaaray qowmiyadda Soomaalida ee aduunka oo dhan lagu bartay waxwalba oo liidnimo ah iyadoo illaahay siiyay Soomaalida dalka aduunka ugu qanisan eeg qoraalo nimcooyinka illaahay Soomaali sida goonidaa u siiyay.
Qaybata labaad waa beesha Daarood oo iyana ay isugu tageen beelaha Irrir oo Hargaysa iyo Muqdisho xarumo ka kala dhigtay kana wada shaqaynayay sidii beesha Daarood loo gamayn lahaa, waxaana arrinkaas si ula kaca ugu taageerayay (qolooyin ajaanibba oo laba guruub isugu jira, guruub shirkado maafiya oo dhaca dalalka soo koroya akhri qoraalkan iyo group siyaasiin xagjira sida siyaasiin Itoobiya iyo jaanib kale)oo dhanka siyaasadda maaliyadda iyo saanadda hubka ka taageerayay, arrinkaas oo wali taagan
Mar labaad waxaan leenahay Muuse Biixi, Muuse Biixiyow xasuuso in taariikhdu is badali doonto, oo hadda waxa ugu wayn ee fikirka gooni isutaagga kugu kalifaya waa qabyaalad oo haddii ay beesha Isaaq Garoowe deganaan lahaayeen Soomaali Isaaq kama gayseen Ingiriisna xariiqihiisii iyo kala qaybintiisii kuma taageerteen, qabyaaladna waad ogtahay oo wax meel istaagaya ma ahan oo waad xasuusataa doorashadii ugu danbaysay waatii qabyaaladdii hoos sii aaday.
3) Caqabadda sadexaad, Fakhri, Jaahilnimo, aqoon darro, kororka dadka oo xawli farabadan ku socday iyo iyadoon dadkii shaqooyin loo abuurin taasina ay sababto in dhaqaalihii yaraa la isku dagaalo ama qabiil ama diin marba haddii dhaqaale yaraado waa la isku dagaalaa waa wax iska caana, haddii aynan jirrin hay’addo dawaladeed oo sharcigu shakhsiga ka sareeyo iyo nidaam cadaaladeed.
4) Caqabadda Afraad waa siyaasado dalal shisheeye ka imaanayay oo kala duwan, qaar dana ka leh Soomaaliya oo iyagu isku haysta, qaar ay dani ugu jirto burburka Soomaaliya, qaar kaligi taliyaala oo iyana aan rabin Soomaaliya oo cadalad laguu maamulo oo waxay isleeyihiin Soomaaliya waxay tusaale u noqonaysaa dalalka ay kaligi taliyaashu hastaan shacabkooda oo waxay ku kacayaan madaxda kaligi taliska.

Xalka.
Marna xal noqonmayso fikirka qabyaaladda ku salaysan ee beelaysan ee gooni isutaagga Soomaaliland, oo ka unkumay cadaalad daradii ay sameeyeen madaxda beesha daarood.
Waxayna ahayd in aan falka cadaalad darro ee siyaad barre awgeed qarankii Sooomaaliyeed loo bubrinn

Haddii ay siyaasiyiinta beesha isaaq yiraahdaan waxaan la go’aynaa deegaamada beesha Isaaq, waa xal waana Soo dhawaynaynaa cid ku haystaana ma jirto.

laakiin Soomaalilwayna qabtaalad awgeed baan uga go’aynaa deegaanada beelaha aan isaaq ahayna waxaa noo hibeeyay Ingiriis, waa ogyihiin in aan cidi ka yeelayn xalna noqonayn, Soomaalina aan la khasbi karrin waa ogyihiin, Ingiriis xiligii uu aduunka haystayna maanta ma ahan.
qolooyinka gooni isutaagga aaminsan caqabadda labaaad waxaa ku noqonaysa aduunka oo aan ka yeelayn in hal qowmiyad oo Soomaali isla ah isku diina isku luuqada lakala qaybsho, iyadoo ay garab daganyihiin 85 qowmiyadood ee Itoobiya kala diin kala af oo waliba isgumaysta sida Oramada oo aan 1000 sano halmar xukunka loo dhiibin.

Xalku waa cad yahay
Soomaaliya oo noqota dawlad Federaala
Intii gobol ee is ogolba hal dawlad Gobaleed, haddii loo baahdo caasumad cusub ha loo guuro, Madaxwaynaha ha la siiyo beesha isaaq 5 sano ee ugu horaysa.
Puntlandobserver desk

Afeef—
Qoraaladan waan ka cudur daaranaynaa qabiiladdii iyo shakhsiyaadkii aan magacyadooda sheegnay, laakiin haddaan runta la sheegin xal lama gaarayo, markaas ruuxii fikradahaas kuwa ka duwan qaba xaqbuu u leeyahay in uu ku sheego qaybta komentiga mana jirto cid ku daakhilaysa.