Khudbaddii Trump Maxaa kaaga Baxay (Falanqayn kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Soomaalidaa waxay tiraahdaa nin aadan saacad ku baran sanad kuma baratid, waxaana muhiima in aad marka uu ruuxu hadlo aad hadalkiisa ku qaymiiso ruuxa.
Hadaba khudbaddii Trum uu ka jeediyay xafladdii caleemasaarka Trump ayaan in yar fallanqaynaynaa.

Khudbadha ayaa sidooda waxaa loo qaybshaa labo
1) Khudbad fadhikudirir iyo caadifad
2) Khudbad aqoon, cilmibaaris iyo qorshe ku qotonta.

1) Khudbad fadhikudirir iyo caadifad- ->Khudbadahan fadhiku dirirka ayaa badana waxaa ku hadla dadka badana aan siyaasadda gacanta la gallin ee kaliya iska mala awaala ama goobaha fadhikudirika kaga falanqeeya, waxayna arrinkaas soomaalidu kaga maahmaahaan ” HABAR FADHIDA LAGDIN LA FUDUDAA” waayo habartu markay dusha ka daawanayso lagdinta waxay is oranaysaa qofka maa inta lugaha lagu dhago aayar oo gibina dhulka la dhigo.

Hadaba khudbadda Trump runtii waxay ahayd khudbadaha ay jeediyaan nimanka wadaniyiintaa, waxaana ka muuqatay xoogaa caadifad iyo fadhikudirir u badan balse aan ka tarjumayn waaqiciga dhabta xambaarsan.

waxaa ugu muhiimsanaa eray uu yiri Trum awoodda ayaan shacabka ku wareejinayaa anigoo awoodda maraykanka kasoo qaadaya dhawrka qof ee maamusha awoodda, waana eray wayn oo wax ka jiraan, laakiin waxaad mooddaa in aanu sifiican u fahansanayn siyaasadda dhabtaa ee marayka marka laga reebo mala awaalka, waayo hadaad khudbadda Trump dhegeysato halmar kama hadal dastuurka maraykanka iyo sharciyada, taasoo laga dheehankaro in aanu oday Trump siyaasadda asalkaa fahansanayn.

2) Khudbad aqoon, cilmibaaris iyo qorshe ku qotonta.
hadaba khudbadaha aqoonta ku qotama waa kuwo cad oo kooban, oo matalan inta badan qorshe bilow iyo dhamaadle ka tarjumaya, inta badan waa khudbad khibrad aqooneed oo dhaba ku qotanta, waxayna u badan yihiin khudbado dastuur iyo xeer uunan ka marnayn, waxaana laga dhadhansadaa marka la is dulsaaro xeerka dalka, miisaaniyadda dalka, oo qofku uu ka hadlayo baaritaan uu soo sameeyay oo la qorsheeyay.

Tusaale miisaaniyadda maraykanka sanadka 2017 waa intaas, waxaan rabaa in aan miisaaniyadda kordhiyo, an igoo isku dayaya in aan maraykanka ka dhigo dal export oriented ah oo waxsoosaar dal u go’doomay ayaan rabaa in aan ka dhigo, anigoo raadinaya suuqii wax naga iibsan lahaa.

Ama qorshe cad oo aad leedahay taajiriinta ayaan ka jarayaa 50% canshuur labada sano ee soo socota.
Calashaan wax cad oo aad soo qorshaysay oo la taaban karo.

Isku soo duub khudbadda Trum ma aynan xumayn laakiin qaymayntaan qaymaynay waa khudbad caadifad iyo fadhkudirir ee ma ahayn mid waaqici, mase aynan xumayn oo xigmad ahaan waa ay u fiicnayd shacabka maraykanka.

One Response to Khudbaddii Trump Maxaa kaaga Baxay (Falanqayn kooban)

  1. Pingback: Khudbaddii Trump Maxaa kaaga Baxay (Falanqayn kooban) - Daily Somalia Report