Kooxihi Galmudug Kayimid Ee Aanada Qabiil U Dilay Mahad Garwayne Iyo Wiilkii kale Maxaa Lagu Tilmaami Karaa (Waxaa Lagu Timaami Karaa Jaahwareerka Iyo Xigmadda Soomaalida Maanta Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

mahdi cagawayne

Kooxo burcada ayaa wiilal yar yar oo Soomaaliya oo xaasaskooda iyo caruurtooda si ay ugu xamaalasho tagaan xilli habeenimo ah, gaari uu leeyahay Mahad Garwayne ka kaxaystay magaalada Gaalkacyo.
Qorshahooda ayaa ahaa in ay Hilib kasoo qaadaan tuulada Cagaaran oo Gaalkacyo dhanka waqooyi kaga beegan.
Balse iyagoo dhexda sii maraya ayaa waxaa gaarigii ay wateen baas ku furay niman Soomaaliya oo tiradooda lagu qiyaasay 14 nin.
Nimanka wiilashan gaariga watay xabadda ku furay ayaa la sheegayaa in ay kasoo jeedaan beesha Sacad/reer Jalaf ee Galmudug.
Nimanka burcadda ujeedkooda ayaa ahaa sida la leeyahay, in ay u aaraan nin beesha reer Jalaf kasoo jeeda oo uu dillay nin kasoo jeeda beesha Carab Saalax.
Goobta ay ku dilayaan Mahad Garwayne iyo Wiilka kale,  baadiyaheeda waxaa degan dhowr kun oo aan hubaysnayn oo reer miyi ah oo abaarihii awgood deegaanadaan roob illaahay siiyay naqii uu soo saaray usoo naq raacay.
Dhawrka kun ee beesha Habargidir ee aaggaas usoo naq raacay ma ahan dad hubaysan ee waa marti oo dadka deegaanka degan bay marti u yihiin ,oo waliba xitaa dhanka kililka Itoobiya sidoo kale waxaa aad ugu soo naqraacay isla reer miyi kasoo jeeda beesha Habargidir, waxayna ay marti u yihiin beesha uu kasoo jeedo Mahad Garwayne ee Cumar Maxamamuud ee ay maleeshiyada reer Jalaf aano qabiil darteed u dillen, waliba kuwa ficilkaas sameeyay ayaa ujeedadoodu tahay in ay ficilkaas ku mutaystaan geesinimo ay beeshooda u soo hoyeen.

Hadaba caqligii Soomaaliyeed iyo xigmaddii Soomaaliyeed maanta halkaas ayay maraysaa iyo xisaab xumadaas.
1) Marka koobbaad waxaad dishay wiilal yar yar oo caruurtooda u xamaalanayay oo aanadaan aad sheegaysid aan ka warhayn.
2) Qof muslim ah oo aan dambi kaa gallin baad dishay.
3) Ficilka aad samaysay waa qof kastaa qofkii kasoo horbaxa ha dilo, meesha aad ku dishay waxaa degan kummanaan beesha aad kasoo jeedo ah.

Hadaba markaan baaritaan samaynay ayaan waxaan kusoo gabagabaynay xigmaddii Soomaaliyeed maanta wataas, halka adduunkii kale ay horumar baaxad wayn xigmaddoodu ku qotonto.

Waxaad arkaysaa Soomaali inta miino isku xira qarxinaya dad masaakiina oo makhaaxi shaah ka cabaya, oo ku doodaya in uu janada ku galayo, taasi qudheedu waa xigmadda ay Soomaali maanta gaadhay in aad inta miino isku qarxiso aad disho naftaada iyo nafta qof haweena oo masaakiina oo teediiba la tacaalaysay oo makhaaxi shaah ka cabaysa oo aadan xitaa waligaa arrag, oo aad markaas waliba illaahay ka sugto in aad Jano ku mutaysato ficilkaas, ama shiikha shabaab ee gadaal ka taagan kan is qarxinaya qudhiisa ficilkaas uu jano ku mutaysto.

Isku soo duub umadda Soomaaliyeed maanta xigmadooddii wataas in dalkaas horumar la gaarsiiyana waa la rabaa.

 

Talo.

Waxaan kula talinaynaa in aan marna lagu dayan qofka ficilida xun sameeyay waayo hadaad ku dayoto waxaad noqonaysaa qof la mid ah qofkaas ficilka xun.

Haddii uu dadqal dadka cuno, aduguna ma dadqal baad noqonaysaa??.

Waxaan ka codsanaynaa familka ay ka geeriyoodeen Mahad Garwayne iyo wiilka kale in aynan marna qaadin ficiladaas waxash  nimadaa wixii sameeyay mid lamida.

Gobalka Bari bulshada degan sanadkaan waxay soo dhaweeyeen bulshadii Soomaaliyeed ee usoo naqraacday wuxuuna illaahay ugu abaalguday roobab iyo khayraad farabadan oo illaahay baa dusha ka daawanaya ficilada bini aadanka oo hadaad dulmido ruux walaalkaa ah oo Soomaaliya illaahay waa ku daawanayaa adna waa lagaa jarayaa, hadaad wanaajiso illaahay waa kuu abaal gudayaa

 

Afeef.
Waan ka raaligallinaynaa beelaha aan magacyadooda sheegnay wax saxa ayay naga ahayd.

Reer Guuraagii Soomaaliyeed ee Abaartii Gobalka Bari Lagu Soo Dhaweeyay Illaahay Roob Iyo Barwaaqo Aan Horey Gobalka Bari uga Jirrin Buu Ugu Abaal Guday (War-sadaqada Badiya)

Warbixin Hoose Nimankii Dilay Mahdi Garwayne Iyo Wiilkii Kale Oo Haybtooda La Aqoonsaday

Puntlandobserver desk

One Response to Kooxihi Galmudug Kayimid Ee Aanada Qabiil U Dilay Mahad Garwayne Iyo Wiilkii kale Maxaa Lagu Tilmaami Karaa (Waxaa Lagu Timaami Karaa Jaahwareerka Iyo Xigmadda Soomaalida Maanta Qormo Gaaban)