Kooxo Qas Wadayaala Ajaanib Iyo Soomaali Isugu Jira Oo Dagaalka Gaalkacyo Horiya markay Maqlaan Kastamka Tuurdibi Wadada Wadaagsin ama maxjarka xoolaha oo la horumarinayo

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Vector Cartoon Bowling Madness with Crazy Face and Hands

Vector Cartoon Bowling Madness with Crazy Face and Hands


Kooxo Qas Wadayaala Ajaanib Iyo Soomaali Isugu Jira Oo Dagaalka Gaalkacyo Horiya markay Maqlaan Kastamka Tuurdibi Wadada Wadaagsin ama maxjarka xoolaha oo la dhisayo.

Iyadoo lawada ogyahay in ay Soomaaliya ka dagi la’dahay siyaasiyiin iyo ajaanib dana gooniya Soomaaliya ka leh, ayay magaalada Gaalkacyo waxay noqotay boog la juqa juqeeyo marka dana gooniya la leeyahay.
Shacabka Gaalkacyo ayaa hadda ogaaday in sanadkasta bisha December bisga 12-aad magaalada Gaalkacyo dagaal laga rido, waayo bay yiraahdeen shacabku dagaaladaan waa kuwo mashaariic lagu cadaysto, oo hadhaw la Un-ta mashaariic looga dalbado daminta qulquladaha dagaalada, marka kooxahan ajaabinta iyo Soomaalida isugu jira ayaa si ula kaca usoo maalgaliya dagaaladan

Dhanka kale markii la maqli mashruuca Garacad, hadduu noqonlahaa mid la xiriira macaadinta ama mid la xiriira dekadaha iyo Kastamada Tuurdibi, ayaa waxaa isku soo habar wacda dhammaan siyaasiyiintii iimaanka la ee Ajaanibta iyo Soomaalida isugu jirray oo markaas waxay durba maalgaliyaan kooxaha dagaalama.
-Waxaana si fudud loo isticmaalaa dhalinta xaafadda baraxlay ee Galmudug.
Shacabka ayaa la doonayaa in ay il-gooniya isaga eegaan kooxaha arrimahaan caadaystay iyo iimaan la’aanta.

Puntlandobserver ayaa marwalba shacabka uga wacyi gallinaa in ay ka fogaadaan fawdo iyo dagaal, waxaas aduunku hadda waa ka koray oo waxaa la rabaa in ay soomaalidu aduunka kale isha ku eegaan ee aynan iyagu isku eegin.
Waxaana la rabaa in wixii horumara lagu tartamo ee aan taako la isku dhigin oo maantoo dhan la is eegan iyo iimaan la’aan.
Nin walbow kartidaada iyo caqligaaga dalka meeshaad joogto uga horumari, hana hor istaagin ninkii caqli la yimaada.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Camey ayaa hadda kahor reer galmudug ku dacaayadeeyay.
Waxaan la nimid caqliyar oo ah in aan dhisno Maxjar xoolaha lagu baxnaaniyo inta aan la iibgayn oo neefka lagu daryeello oo caws iyo cunto nafaqo leh lasiiyo.
Laakiin galmudug weerar bay nagu soo qaadeen, oo waxaa Soomaalida uga dhintay boqolaal qof, oo labada dhan ah, waxayna ahayn in ay aayar oo gibina xaafadooda ka dhistaan Maxjarka aan dhisayno mid la mida, oo horumarka nooga daydaan ee aynan nasoo weerarin.

Ujeedadu waxaa weeye, Soomaalidii ayaan aqoon caqli aan ahayn inta qori soo qaadatid ku dhifo nin Profasoora oo 60 sano wax soo baranayay, adigoo helikara in aad caqligiisa ka faa-iidaysto caqlikalena kusii biirsato.