Kulan Looga hadlayo dhibaatada dhaqan dhaqale oo Muqdisho Ka dhacay (Sawirro)

Filed under: somali news |

Kulan looga hadlayo arimaha burcad badeeda Soomaaliya, oo uu soo qaban qaabiyey Ururka SAPIC ayaa waxaa uu ka dhacay hotelka Jaziira, waxaana kasoo qayb galay Madax badan oo kala duwan, Wasiiro xigeno, Xildhibaano, wasiiro hore, Dhinacyada Bulshadda iyo dadweyne badan.

Kulankaan oo looga hadlay aribaha Dhibaatada Dhaqan dhaqaale ee ay Burcadbadeedu Gaysatay, waxaa aad loo dhaleeceeyey Burcad badeed nimada, oo waliaba ay Culimada aad uga dayrisay dhaqankaas iyo dadka isticmaalab, iyaga oo dadweynahana u diray fariin ay ugu sheegayaan in ay wanaagsan tahay in ay Dhaqankaas meel uga soo wada jeestaan, lalana dagaalamo.

Inkasta oo ay haatan aad hoos ugu dhacday Arimaha laxiriir Burcad nimadu hadana waxaa wali sii jira raad ay ka tagatay, Goboladda Puntland oo ay ugu raad danbeeyeen ayaa haatan dadaal badan oo shacabka iyo Dowladda ka yimid kadib waxaa lagu guulaystay in laaga takhaluso iyada oo ugu danbayntii laga takhalusay.

Kulankaan ayaa haatan waxaa diiradda lagu saaray in ay lala dagaalamo dhaqan xumadii iyo dhaqaale wareerkii ay burcadbadeedu ugaysatay Deegaanadda ay ka howl gashay iyo dhaaman ummadda Soomaaliyeed.

DSC08446 DSC08450 DSC08452 DSC08472 DSC08478 DSC08497 DSC08515

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>