Laba Xigmadood oo laga jeediyay shirarkii Gaalkayo ka socday oo aan is iri waa ay haboontahay in laga Faa-iidaysto

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxaan xooggaa si fiican u dhegeystay shirar Farabadan oo ka socday Gaalkacyo maalmahaan oo uu ka qaybqaadanayay Madaxwaynaha Puntland Dr C/wli Moh’d Ali Gaas.

Inkastoo shirarkaas ay dad aad u farabadan afkaarro aad u qiima badan ay kusooo bandhigeen, ayna habboontahay in dhammaantood lawada xuso kuwooda murtida xambaarsan, hadana anniga si gooniya laba fikradood oo in muddo ahba si gooniya iiga guuxayay ayaan markaan maqlay runtii si qoto dheer ugu farxay in dad kale illa qabaan.

1) Fikradda koobbaad ee awal aan aaminsanaa oo marlaab lagu celiyay waxay kasoo maaxatay Madaxwaynaha Puntland Mudane Dr Cabdiwali Mx’d Cali Gaas, Fikradaas oo ahayd
In maadaama intii u dhaxaysay 1960-1969 muddo sagaal sanno ah ay Soomaaliya ahayd wadanka ugu Nidaamka wanaagsan Africa isla markaana ay maamulayeen Madax leh dhamaan kartida iyo Hal abuurka hogaamiyenimo, ay markaas taas cadayn u tahay in ay Soomaalidu yeelankarraan Hogaamiyeyaal Daacad iyo Karti Hogaamiyeed leh, Halkaan ka eeg warkaas

2) Xigmadda labaad ayaa waxaa ka dhawaajiyay Prof Maxamed Jama oo markaas ka qaybgaly Dood Cilmiyeed ay soo agaasintay Machadka Cilmibaarista iyo Diraasaadka Siyaaasadda ee HAYAAN oo markaas ay shacabku su’aallo ku waydiinayeen Madaxwayne Gaas.
Hayaan4
Prof Dkhtar Maxamed Jama ayaa Su’aal iyo talosoo jeedin waligeed iga guuxaysay sifiican ugu soo bandhigay Goobta.
Prof Maxamed Jama ayaa sheegay in xiliggii sagaalkii sanno ee aan xigmadda 1aad kaga hadalnay Madaxdii dalka daadihinaysay ay lama taabtaan u ahayd in maqaamkasta ama Jaggo kasta uu hagijiray ama loo dhiibi jiray ruuxa ugu habboon ee aqoonteeda iyo kartideedaba leh, arrinkaas oo dabcan ah arrin cilmi baaxad wayn uu hoos jiifo.

Soomaaliya maanta jaggo kasta waxaa daadihinaya ruux in badan looga aqoon iyo karti badanyahay, balse ku habsaday isagoo soo maraya Qabyaalad iyo Musuqmaasuq.
Halkaan ka eeg Xigmadda Prof Maxamed Jama.

Waxaan aad ugu talinayaa in labadaas Xigmadood si gooniya isha loola raaco.

Si kooban u diyaariye
Ibrahin Sh Mohamed Gablax gablax@yahoo.co Finland
Prof Maxamed Jama mar aan sanadkaan 2015 bookhday Gaalkacyo wuxuu galbihii soo fariisanjiray Hotel Shaariqa Gaalkacyo oo aan ka mid ahaa dad dhegeysta Xigmadihiisa Wiiggii aan Gaalkacyo joogay.