Leego:Gabar Soomaaliya oo sheegtay in ay walaasheed horteeda ku gawraceen oo qoorta ka jareen

Filed under: Wararka |

Iyadoo Maleeshiyada Al-shabaab ay weerar aan horay loo arag ku qaaden xerada AMISOM ee deegaanka Leego, ayaa waxaa dhacdadii halkaasi ka dhacday Caasimadda Online uga warbixisay Safiyo Axmed oo ka badbaaday weerarka xarunta lagu galay.

Safiyo waxa ay sheegtay in iyagoo gaarayo 8 dumar oo Soomaali ah ay ka dhex shaqeynayeen goobo lagu cunteeyo oo ku taalla gudaha xarunta, waxa ayna sheegtay in weerarka lagu dilay ilaa Shan kamid ahaa dumarkaasi.

Waxa ay ka sheekeysay qaabka loo dilay saaxiibadeedii la shaqeynaayay, wayna il meysay goortii ay ka shekeeynaysay dhacdada waxa ayna carabka ku dhufatay in qoorta laga wada jaray gabdhihii la shaqeynaayay, kaadib markii kushiinka goobta ay ku iibinayeen raashiinka ay u galeen ilaa 4 Maleeshiyo oo ka tirsan Al shabaab oo maka hore rasaas ooda kaga qaaday kadibna u adeegsaday mindiyo.

Waxa ay tiri Safiyo Axmed ’’Anagu waxaan aheyn dad masaakiin ah oo nolol maalmeedkooda ka raadin jiray maqaaxi nooga furneyd xarunta, waxaa hareeraha xarunta kasoo booday Al-shabaab badan oo ku kala orday xarunta waxa ay bilaabeen rasaas iyo qaraxyo’’

‘’Waxa ay isku qeybiyeen laba koox, kooxda koowad waxa ay ku howlanaayen gowraca dadka baxsadka ahaa, kooxda kale waxa ay ridayeen rasaas waxa ayna la beegsanayeen askarta AMISOM’’

‘’Anagoo tiro dumar ah ayay noogu soo galeen ku shiinka waxa ayna nagu fureen rasaas, aniga wan istuuray waxaana iska dhigay qof ay rasaasta haleeshay, intaa kadib mid iyaga kamid ahaa ayaa ku qeyla dhaamiyay dumarka rasaasta hanoga qasaarinina wan gowraceynaa, waxa ay gowraca ka bilaaben walaashey iga yar qoorteda aniga ayay igu soo dul tureen waxa ayna ii saaren dhabarka’’

Safiyo Axmed waxa ay sheegtay in Maleeshiyada Al-shabaab ay yihiin kuwo naxariis daran, waxa ayna ku tilmaantay kuwo ay ku yartahay diinta islaamka.

Waxa ay qirtay in Xarunta lagu dhamaday islamarkaana ay waayen wax gurmad ah oo gargaar u fidiya.

Dhanka kale, DF Somalia ayay ku dhaliishay inay sabab u tahay dhacdadii ka dhacday Leego kadib markii ay xarunta ka fogeysay Ciidamadii Militeriga Somalia oo degnaa mid kamid ah baraha koontoroolka.

Source: Caasimadda.com