Libgad: ( Gabay, By Maxamed Nuur Fadal 1943)

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

Libgad

Lax la qalay leggeed iyo haddii, lulato lay keeno
Waa caawadaan laasan jirin, lug iyo jiidhkeede
Waa caawadaan sida lo’ley, luunsanaan jiraye
Waa caawadii aanan ledin, sida lammaan xiide
Lur adduunyo waa caawadaan, wax igu laabnayne
Ladnaantiyo nimcadu uunka way, wada luggooysaaye.


Lixdan aniga oo jirey tashiga, laydha iga raacye
Imminkaan ladhkiisii hurdada, ledis ka waayaaye
Nimankaan dukaammada lukiyan, laba-labow siiyey
Nimankaan lo’daydii casayd, laanta ugu duugey
Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeeley
Ee lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha.


Hadday aniga leebkiyo warmaa, ii lisanayaane
Markuu sida Luwaha qaawanaa, laylka soconaayay
Eed luquska qoodhaha dameer, lulaya moodaysay
Haddii aan lingaxo oo qalbiga, lahashada u diido
Oo aanan luunkaba ka rogin, lur ima gaadheene.


Kal laxiib ah baan leeyahayiyo, laabta xuunshada’e
Laxawsiga xigtada lay geshiyo, libiqsigaan eedey
Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye
Inkastaay ladaadyada baruur, laqanyo daacayso
Leg ninkii siiya bay dishaa, liidda doqoneede.


Waxa laasima nin liitiyo haween, laaxinkood badane
Lib-gad iyo abaal-xumana waa, loow u gooniya’e
Ma liibaanihii Diiriyaa, loox u daabacaye
Waatay liciinkii maqleen, laababka lahaaye
Waxba nimaan lilleyneyn ayay, luqaddi raaceene.


Mar uun igama liibaansannine, way ladaabsadaye
Haddaan maalintii hore lurriyo, iguma laabmeene
Lafa-yare iyo Caarraan wixii, lumay i deyneyne
Afar, laba, lix goor buu sidaa, iiga loogsadaye
Alla laba iyo toban jeer miyay, liidnimo i raacday.

Maxamed Nuur Fadal 1943

Erey Fasirid

lukiyan – cammiran; buuxa

lohonloh – leelleel, silic, saxariir

liciin – kii la nacdalay

laababka lahaaye – khiyaamada badnaaye

lilaynayn – u xeebanahayn

Luwaha – qowmiyad Kiinya degta

luunka ka rogin – aanan harraadka iyo diifta ka bi’in

kal laxiib ah – qalbi kalgacayl badan

laxam dhaqaaqaaye – digiigaxasho

loogsadaye – xoolo iga cunay

liibaansannine – aan lib helinnin

ladaabsadaye – baraystay, macaanmilay

lurramo – aa wax dhibo

labxashada – naxariista

limicsigaan eegey – jalleecadaan eegey

ladhkiisii – murugadiisii, ciilkambigiisii

ladaadyo – laqanyo

liidda – nacasta

laasima – hubaal

laaxinkood – gefkood

loow – qaynuun, (law)

One Response to Libgad: ( Gabay, By Maxamed Nuur Fadal 1943)

  1. Pingback: Libgad: ( Gabay, By Maxamed Nuur Fadal 1943) - Daily Somalia Report