Ma la Gaaray Xiligii Laascaanood Laga Xorayn Lahaa Qolooyinka Aaminsan Fikirka Kala Qaybinta Soomaalida

Filed under: Important News,Wararka |

DFS waxaa lagu qaybsaday 4.5, oo ka dhigan dhammaan beelaha Soomaalida.
Hase yeeshee waxaa jira siyaasiyiin Soomaaliya oo aaminsan fikir ay gacmo shisheeye Soomaalida ku marrin habaabinayaan oo ku kala qaybinayaan, waa fikirka gooni isutaagga Somaliland.

Waa fikirka hor istaagay muddo 28 sano sidii dib lowgu hanan lahaa qaran Soomaali u dhantahay.

-Waxaa lagu xantaa in dawladaha Itoobiya, Ingiriiska, shirkado maafiya ah iyo wadamo dhawr ah ay fikirkaas si hoose u maalgalliyaan, oo siyaasiyiinta Soomaalida lagu adeegto lacago iyo masnsab siyaasadeedna lasiiyo, dhammaan afkaartaan waa kuwo lid ku ah qaran soomaaliyeed.
Siyaayiinta fikirkaan horboodaya ayaa fikirkaan qabyaaladeeya oo shacabka Hargaysa waxay ka gadaan, Soomaali wayn waxba ka heli mayno hadaan nahay beesha Isaaq oo Beesha Daarood waa naga badan yihiin, marka aan beesha Daarood araxda ku dhufano oo qayb raacino Hawiye, Qaybna Innaga hana soo raacdo, laakiin waxaynan talada ku darsan in wixii qabyaalad ku dhisan aan waligeed lagu aflaxin, oo wataas muddo 28 sano ay Soomaali aduunka kale hartay, waana inta ay Soomaali hortaagnaayeen siyaasiyiinta aaminsan Qabyaaladda.

Hadaba Soomaalidu waxay tiraahdaa walaalkaa haddii laga gardaran yahay u hiili, hadduu gardaran yahayna u hiili oo gardarada haku taageerin ee ka qabo.
Hadaba siyaasiyinta aaminsan fikirkaan gooni isutaagga amaa la gaaray xilligii gacanta la isaga celin lahaa, oo Laascaanood calaa aqali laga xorayn lahaa.
Laascaanood iyo gobalkale oo la raaciyo waxaa wanaagsanaan lahayd in dawlad gobaleed gooniya loo sameeyo oo la hoos geeyo DFS, ama marka laga xoreeyo qolooyinka aaminsan fikirka kala qaybinta Soomaaliya oo ay shacabka Laascaanood dhistaan maamul ay u madax banaanyihiin, ay markaas iyagu go’aan ka gaaraan meesha ay ku darsanayaan, iyo haday iskood u istaagayaan oo toos DFS u hoos tagayaan, haday Puntland ka mid noqnayaan,haday qaadanayaan fikirka gooni isutaagga.

Laakiin hadda magaalada Laascaanod, waxaa xoog ku haysta qolooyinka aaminsan fikirka gooni isutaagga, mana ahan qolooyinkaas kuwo ku shaqeeya fikir iyaga kasoo maaxday ee waxay ku shaqeeyaan amarka wadamo shisheeye, oo ma ahan siyaasiin madax banaan oo laga warsugi karo.

-Waxaa kaloo cajiiba sida ay saxaafadda u adeegsanadaan oo dadka u marrin habaabiyaan.
-Soomaalidaa waxay ku maahmaahaan carabtu intay nabiga caayaan bay saliga nabiga kaaga hormaraan, hadda qolooyinkaan gacmaha shisheeye u shaqeeya ee aaminsan fikirka gooni isutaagga intay wax walba oo danbiya Soomaali iyo reer Laascaanood ka galleen bay hadana saxaafadana kaaga horeeyaan oo adeegsanayaan dhawr oday oo ay lacag soo siiyeen iyagoo ka dhigaya fikirka ay ku ahdlaan shacabka reer laascaanood oo ay odayaashaas ku hadlayaan oo aaminsanyihiin in Soomaali lakala qaybsho.

-Hadda xaqiiqdii waxaad mooddaa in lagaaray xiligii shanta gacmood la isaga dhicinlahaa qolooyinkaan aaminsan fikirka qaladan ee gooni isutaagga ee hadana shacabka gobaladiisu diidanyahay fikirkaas la rabo in qori caaradiis iyo xoogaa shilimaad ku dhimo lagu ogalaysiiyo.

Xalka
Waxaa la samaynkaraa dawlad gobaleeyo aan qabiil ku dhisnayn sida.

Dawlad Gobaleedka Laascaanood Togdheer iyo Nugaal.
Dawlad Gobaleedka Sanaag Iyo Bari
Dawlad Gobaleedka Mudug, Nugaal, qayb kamida Galguduud.
Dawlad Gobaleedka Waqooyi galbeed iyo Boorame

Waa tusaale oo waxaa meesha laga saari kara qabyaaladdii, ama xalka Soomaalidu waa badan yahay.

Kolaba waxa ay shacabka goabalda