Maap Cadaynaya In Ay Soomaaliya Qani Ku Tahay Biyaha Dhulka Hoostiisa Ceegaaga (Somalia Groundwater resources)

Filed under: Important News,Wararka |

Aduunka maanta waxyaalaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Biyaha Dhulka Hoostiisa ceegaaga, waayo biyaha nadiiftaa ee la cabo waa kuwa dhulka hoostiisa ku jira.
groundwater resources
Waxaana lagu ogaadaa aaladda Satalite-ka casrigaa, waxaana jira aalado si fudud lowgu ogaan karo meelaaha ay fadhiyaan waraha waawayn ee dhulka hoostiisa, Africa meelaha ay fadhiyaan biyaha ugu ballaaran waa dalalka Libya iyo Masar sida masawirka kore ku cad, iyo waliba aagga Kenya ee xigta Soomaaliya oo Xeebta Soo raacaya Illaa Muqdisho iyo waliba Gobalka Mudug iyo aagag fara badan sida maapka ku cad iyo Waro waawayn oo Fadhiya Aagga Hargaysa iyo Mid Yar oo Fadhiya Nugaal.

Waxaa kaloo jira war-biyoodyo ka yar yar kuwa waawayn laakiin qudhooda ay ceegaagaan biyo xajmigoodu aad u badan yahay, hadaad maapka hoose eegtid waxaad ogaanaysaa in deegaanada Soomaalidu degto ay hodan ku yihiin biyaha dhulka hoostiisa ceegaaga, waliba wara-biyoodyada yar yar balse u qalma kuwa waayayn marka la isku daro oo aad maapka ka arkayso in illaahay ugu deeqay dhamaan deegaanada Soomaalidu degto.
groundwater-africa

Ugu danbayn akhri Qormada
Nimcooyinka Illaahay Soomaalida ku manaystay, 2000km Wabi, 3300km bad (Qormo gaaban)

Hadaba hoos ka daawo warbixintaas.

One Response to Maap Cadaynaya In Ay Soomaaliya Qani Ku Tahay Biyaha Dhulka Hoostiisa Ceegaaga (Somalia Groundwater resources)

  1. Pingback: Maap Cadaynaya In Ay Soomaaliya Qani Ku Tahay Biyaha Dhulka Hoostiisa Ceegaaga (Somalia Groundwater resources) - Daily Somalia Report