Maap Cadaynaya Qulquladda Sacuudiga Iyo Qatar In Ay Salka Ku Hayso Dhuumaha Gaaska Qatar Oo Dhanka Iran Loo Weecinayo (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

saudi iran qatar pipeline

Sida masawirada kore ku cad waxaa loo badinayaa in dagaalka Syria uu doorwayn ku lahaa dhuumaha Gaaska qaada oo la dhexmarin lahaa Syria.

Dalka Qatar ayaa leh kaydka Gaas oo aad u tirabadan hase yeeshee waxaa adag in gaas markab lagu qaado, sidaa la ajligeed ayay qatar rabtay in ay dhuumahaas mariso Qatar, Saudi Arabia, Syria,Turkey, Europe oo saas Europe ugu iibgayso, dhanka kalena Eurpoe waxaa suuqa ugu badan haysta dalka Russia oo u arka haddii ay Qatar Gaaskeeda keento Europe in markaas uu suuqii Russia ciriiri galayo.

Hadaba sida maapka kore ku cad Qatar ayaa dhuumaheeda marin lahayd Qatar, Saudi Arabia, Syria, Turkey, Europe.

Laakiin maadaama Bashaar Al asad uu yahay nin ay isku xulufo yihiin Russia iyo Iran waxaa laga dhaadhiciyay in uu hor istaago dhuumahaas Gaaska qaada oo kuwaas bedelkooda uu aqbalo dhuumo Gaas qaada oo laga keenayo Iran, Iraq, Syria Europe.

Waana sababtaas sababta Bashar Al-asad dagaalka lowgu kiciyay si xukunka looga tuuro.

Iyadoo arrinka sidaas ahaa oo Qatar, Turkey, Saudi Arabia iyo Maraykan oo gadaal ka taageera ay isku xulufo yihiin ayaa waxaa dhacday in Turkiga la inqilaabay isla markaana inqilaabkii uu lugta la galay Reer Galbeed, isla markaana ay Russia badbaadsheen.

Halkaas waxaa ka dhacay isbadel siyaasdeed.

Waxaana aad hadda mooddaa in qorshihii hore ee dhuumaha Gaaska qaada shaxdii la bedelay, oo Qadar laga dhaadhiciyay Gaaskaaga soo mari dhanka Iran wax dhiba maleh, dabadeedna ay Qatar arrinkaas u dhaga nuglaatay, illeen wixii awalba Al-qaeda loo isticmaalayay iyo jihaadka waxay ahayd dana gaar ahaaneed, marka dantii gaar ahaaneed haddii dhanka kale laga helayo waa ok.

 

Waxaanad mooddaa arrinkaaas in uu u cuntami waayay Saudi Arabia, Maraykanka iyo xulafadii dhanka kale ahayd oo mudada la isla soo dadaalay.

Hadaba hadaad arragto meesha uu Gaaska badan ceegaago in ay tahay hal meel oo ka dhaxaysa Iran iyo Qatar.

qatar.iran-gas-field-map

Goobta cas ee u dhaxaysa Qatar iyo Iran waa halka uu ceegaago Gaaska faraha badan waxaana intiisa badan leh Qatar hase yeeshee qaybkale oo ballaaran waxaa leh Iran.

Turkiga ayaad mooddaa in uu isbadel siyaasadeed ku yimid wixii ka danbeeyay inqilaabkii waxaanad mooddaa in ay hadda Turkiga uba dhib yartahay in Dhuumaha la soo marsiiyo dhanka Iran oo markaas kadibna Turkiga la marsiiyo, waxaanad mooddaa sababta uu Turkigu ciidamada ugu dirayo Qatar in ay taas tahay-

Haddii ay saas u dhacdo ayay waxay dharbaaxo aan la quursan ku noqonaysaa xulufada Sacuudiga iyo Maraykanka, oo markaas dhumin doona Syria iyo Iraq.

Isku soo duub arrinka Qatar haddii dhankaas laga eeggo waa arrin culus.

 

Soomaalida ayay arrimahaan saamayn wayn ku yeelan doonaan maadaama ay Maraykanka ku nool yihiin boqolaalkun oo Soomaaliya, dhanka kalena uu dhaqaalaha Soomaalida aad ugu xiranyahay Sacuudiga.

 

Hase yeeshee Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa dayacay Somalia oo aan 27-kii sano dhag jalaq usiin ee u aamusay.

Hase yeeshee Soomaalida dan uguma jirto dhibaato gaadha maraykanka iyo sacuudiga iyo imaaraadka oo wixii dhiba oo gaara Soomaalidana waagaarayaan.

Dhanka kalena in dhib gaaro qolada kalena ma wanaagsana.

 

Illaahay arrinkaas si dhibyar ha u xaliyo ma fududa.

 

 

 

One Response to Maap Cadaynaya Qulquladda Sacuudiga Iyo Qatar In Ay Salka Ku Hayso Dhuumaha Gaaska Qatar Oo Dhanka Iran Loo Weecinayo (Fallanqayn)

  1. Pingback: Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Xulufada Sacuudiga Iyo Khadar, Muxuuse Doorka Soomaaliya Kaga Habboonyahay | Puntland Observer