MAAXI: – “Magaalada Muqdisho waa la wada degaa balse maamulkeeda ayaa la kala leeyahay”

Filed under: Wararka |

Sida runta ah waa ay iska caddahay in dadkeena Soomaaliyeed lagala dagaallamayo wixii cusub ee horukac iyo aayatiin wanaagsan u horseedaya, balse taasi badelkeeda lau hanuuninaayo wixii aafo iyo dhibaato u kenayo.Waxyaalaha uur-ku-taallada iyo tiiraanyada xanuunka badan igu abuuray in aan QALINKEEYGA QAATO waxaay tahay anigoo arkaya khatarta cadawgeena nala damacsan yahay,taas oo ah Asbaabihii loo dhisay Dawladda soomaaliyeed in ay ka leexatay, islamarkaana la rabaa in la maran habaabiyo ujeeddooyinkii loo soo dhisay, oo ilaa hadda waxay Dawladii iyo madaxdoodii ku dhuumaaleeysanaayaan QABIIL, GOBOLEYSI iyo wax la yiraah xeer hoosaadka la magac baxay 4.5, ayado gobollo lagu bahdilaayo Gobollada qaarkood iyo qabiillada qaarkood.
ssupp
Sida aad la socotaan Soomaaliya waa dal iyo dad la kala fur furay xaga caqiidada, xaga dhalashada, xaga Soomaalinimada, xaga qabiilka, xaga gobollada iyo xagga deegaanka. Hadii la rabo in leysku soo celiyo Soomaaliyadii hore waa in xag hoose laga soo bilaabaa bottom to upp. Dadka degaan kastaa iyo xaquuqda Siyaasi kastaana la dhowraa.

Waxaan isku raacsanahay Siyaasiyiin badan in Magaalada Muqdisho Caasimaddii Dalka Soomaaliya in ay tahay (hooyadii Soomaaliyeed) balse waxaa ila haboon in la tixgeliyo dadka deegaanka u dhashay iyo siyaasiyiintooda oo maamul u gaar ah yeeshaan sida Gobollada dalka ka dhismay oo kale. Sidoo kale waxaan isku raacsanahay inaan Caasimadu wada leenahay.
Hadaba walaalayaal waxaa yimid siyaasiyiin ujeedkoodu yihiin Sadbursi iyo siyaasad ku dhisan midiyahana aan qarsano waxna aan qalano.

Keyga anigaa iska leh, kaagana kula lihi

Xuquuqda Siyaasiga waa muhiim in la dhowraa markii aan sidaas leeyahayna waxaan ula jeedaa Haddii la yiraahdo (Gobolka Banaadir) Muqdisho dadkaa iska wada leh, ee qofkii sideyda oo kale siyaasiga ah aan magaaladaan degaan ay u tahay kuna dhashay una dhashay oo aan meel kale weligiis tegin oo la yiraahdo ummada soomaaliyeed ee 11 milyan ah (SOMALIWEYN) ayey ka wada dhaxeeysaa ama la yiraahdo Qarankaa iska leh.soo taasi ma noqoneeyso in dad dhan xuquuqdooda lagu tunto.

Tusaaale kooban, in siyaasigii Puntland udhashayna kuna dhashay la yiraahdo waxaa jagada madaxtinimada puntland u tartami karo cidii u dhalatay PUNTLAND taasi waxaa marag muujin kaaga filan sidiigudigii doorashooyinka puntland u soo saareen sharuudaha laga rabo masharaixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka puntland tani waxay muujineeysaa sida Gobolada qaarkood siyaasiyiintoooda aay u doonayaan siyaasad labo daam ku daaq. taasi oo hadii aay suurtowdo horsedaaysa cadaalad daro iyo inaan weligeed soomaali heshiin.
Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland. Riix Link-ga hoose.

Haddaba su’aasha meesha taagan waxay tahay siyasigii muqdisho udhashay kuna dhashay intuu ka soo galayaa tartanka madaxtinimada maamulka Mqdisho gobolka banadir marba haddii la yiri ”Muqdisho, mala kala laha oo Somaliweyn ayey ka dhaxeeyaa?”Taasi waa cadaalad daro, Diintuna ma ogala Gardaro aan geed loogu soo gaban. Muqdishona maamulkeeda waa in lagu saleeyaa nidmaaka u dhashay marba hadii PUNTLAND IYO GOBOLADA KALE QAATEEN UDHASHAY mana suurto geli karto waqti xaadirkaan in soomaaliweyn u tartanto magalada Muqdsho. waxaana leeyahay Siyaasiyiinta udhashay Magalada Muqdisho ha la dhowro Xaquuqdooda.

Ninna gurigiisa looguma taliyo, mana looga roono. Magalada Muqdisho (Gobolka Banadir) waa caasimadii soomaaliya (Soomaaliweyn) BALSE maamaulkeeda waa la kala yeelanayaa.
Waxaa jirta 3 xaquuqood oo uu leeyahay qofka mawaadinka ah ee degaanka u dhashay kuna dhashay.
Xuquuqda Bulshada waa qadamaad caam ah sida adeega guud, iskuullada caafimaadka in loo wada siman yahay. qadamadkaas waa wax dadka oo dhan ka wada dhaxeeyo ee ah adeegga Guud
Xuquuqda Degaanka. waa la wada degen yahay dhismaha xoolaha qof walbo waxa uu tabcado ayuu leeyahay.
Xuquuqda Siyaasiga waa in la dhowraa lalana simaa xuquuqaha siyaasiyiinta kale ee gobolada
Waxaanse rabaa in aan weydiiyo dadka wax dhaliila in ay ii sheegaan iyagoo caqliga aqoonta isticmaalaaya sida ay ku suurtageli karto ama ay caqli gal ku noqon karto in ninba gobolkiisa iska soo sharraxo, xamarna la yiraahdo dadka oo dhan ayay u dhaxeysaa?.

Dardaaran
Anigoo ka faa iideeysanaayo fursaddaan waxaan leeyahay Madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud cadaalad samee haddaadan u caadald-falin dadka reer Muqdisho weligood waa ku xasuusnaanayaan, taariikhdana meel mugdi ah ayaad ka geli doontaa, fursada qaaliga aad haaysto ka faa ii deeyso mudane Madaxweyne.

Digniin
Ugu dambeyntiina, Madaxada dalka iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaan uga digayaa khatarta ay leedahay Gobollaysiga gumeystuhuna doonaayey in ay tan dhacdo waana ay iska caddeed
Dadka degaanka u dhashay Muqdisho iyo siyaasiyiintooda aqbali mayaan nidaam kor looga keenay haddii ay taas dhacdana waxaa imaaneeysa Cadaalad darro, sadbursi iyo dagaal sokeeye oo hor leh.

Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
http://yassin-mahi.blogspot.se/