Madaxa Hay’ada Xuquuqul Aadanaha Puntland: H. E. Mohamed Y. Ali Oo Lagu Casumany Alexandria, MN.

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Madaxa Hay’ada Xuquuqul Aadanaha Puntland: H. E. Mohamed Y. Ali Oo Lagu Casumany Alexandria, MN.

Waxaa madaxa Hay’ada Xuququl Aadanaha ee Puntland, Somaliya, lagu casumay in uu ka hadlo bandhig ku saaabsan dhaqanka Soomaalida, oo lagu qaban doono magaalada Alexandria, ee gobolka MN. Bandhigaas oo lagu soo bandhigi doono sawiro ka turjumaaya dhaqanka, deegaanka iyo bacsharada Soomaalida, oo ay qabanqibeeyeen Ha’yad la yiraahdo qaadey Inclusion Network  iyo Mohamed Barre.

Sida aad ka aragto flyer/waraaqda ku lifaaqan qoraalkaan, martiqaadka mudane Mohamed Yusuf Ali ayaa ah mid sharaf u leh jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka MN madaama uu noqday masuulkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo tago magaalo ka baxsan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul. Isla markaana uu noqdo masuulkii ugu horeeyey ee uu casumo urur u dooda xuquuqda jaaliyadaha kala duwan, isla markaana ka codsadey in uu ka hadlo xaflada lagu bandhigaayo dhaqanka Soomaalida.

Ururka xaflada qabanqaabiyey ayaa ah urur ka mida urarada ka shaqaya cadaalada, sinaanta iyo isdhexgalka qowmiyadaha kala duwan ee degan gobolka MN. Xafladaan oo ka dhici doonta laba meel oo ka duwan, ayaa waxuu mudane Mohamed Y. Ali labadaba ka jeedin doonaa labada hadal ku saabsan xuquuqul Aadaha Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana xuquuqul Aadanaha Puntland.  Xaflada ayaa lagu wadaa in lagu qabto: iskuul la yiraahdo Alexandria Community and Technical School iyo Library-riga Douglas County Library.

Xaflada bandhiga dhaqanka Soomaalida iyo qudbada mudane Mohamed Y. Ali, waxay ka kala dhici doonaan: Alexandria Community and Technical College iyo Douglas County Libarary, halkaas oo kula kulmi doono dadka u oleelya sinaanta iyo cadaalada, dadka magaalada laga soo doorto, waxgaradka magaaladaas degan iyo ardayda college-ka

Waxaa idiin soo direy Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’, farshaxan, qoraa madaxbanaan, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Event Mohamed Y. Ali and Mohamed Barre

Flyer+Mohamed+Yusuf+Ali+and+Mohamed+Barre++Event+ (4)