Madaxda afrika oo garasho yari awgeed aan cadaaladda qaymayn (Maqaal muhim ah fadlan akhri)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxa ugu muhiimsan ee Madaxwayne ay bulshadiisu ku qaymayso waa sida uu hadba cadaalad ugu hogaamiyo bulshada uu hogaanka u qabtay, waliba Soomaalidu waa kasii xag jiraan oo Soomaalidu waa dadka ay cadaaladdu deeqdo, oo Soomaaliga waxa ugu wayn ee deeqaa waa cadaaad qadarin iyo in aad cadkiisa siisaa cadaaladna wax ugu qaybisaa, waxay Soomaalida isku dhiig yihiin dad Europeanka oo aan ogalayn ruux is kibriya ama xaqiisa in uu duudsiiya isku dayo.
Waxa ugu wayn ee Soomaaliya burburshay waxay ahayd cadaalad daradii xukuumaddii siyaad Barre dalka u hordeeday, Beesha Daarood waxa Xamar looga cayrshay waxay ahayd taageraddii ay Siyaad Barre cadaalad darada ugu garab istaageen.

Soomaalidu waxay ahayd in ay ficiladaas ku waana qaadato, isla markaana ay Madaxda Soomaalida awoodda saaraan in ay Soomaalida u hogaamiyaan hab cadaaliya, wax walbana Dastuuur wadatashi iyo cadaalad iyagoo ku salaynaya ay ku hogaamiyaan.

Halkaan ka eeg maqaaal Puntlandobserver ka diyaarisay Xasan Sheikh 2 sano ka hor, maqaalkaas oo hadda ku socda madaxda maamul Gobaleedyada

Madaxwayne Xassan Shiikh aqoon daro haysata Madaxda Afrikanka awgeed Jaaniskii soo maray kama faa iidaysan Markii ladoortay(Qormo muhima)

Ujeedada ama dhumucda maqaalkan waa uga digid ruux walba oo mas uul Soomaali u noqda oo fududaysa in uu dadkii xukunka u dhiibtay si cadaalada wax ugu qaybsho, balse taa badalkeeda uu garabka iska dhigo ashkhaas ay isku beelyihiin, uu si kaligi talisnimo ah jagooyinka ugu magacaabo shakhsiyaad ay isku beel ama isku xisbi yihiin, isagoo taa badalkeeda helikaray in uu hawlkasta u xilsaaro gudiyo kaga haboon, matalan haddii uu jaggo magacaabayo in uu u xilsaaro guddi aqoon u leh jagadaas oo dhamaaan bulshada qaybaheeda kala duwan ka kooban oo markaas madaxwaynuhu yiraahdo Gudigaas ha tartansiiyaan ciddii jagadaas loo magacaabi lahaa

Si kooban u diyaariye
Ing Ibrahin Gablax

One Response to Madaxda afrika oo garasho yari awgeed aan cadaaladda qaymayn (Maqaal muhim ah fadlan akhri)

  1. Pingback: Afhayeenka Beelaha Hawiye oo Sheegay Haddii Uu Xasan Guulaysto In Ay Kacdoon Shacab Ku Qaadayaan | Puntland Observer