Madaxwaye Obama oo xarunta African Union ka jeediyay Khudbaddii ugu qiimaha badnayd Qarniga

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwayne Obaama ayaa hadda ka horjeedinaya Khudbad xarunta African Union ee Addisababa.
Obaama ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda Dimoqraadiyadda oo waliba yiri Dimoqraadiyaddu ma ahan Doorashooyin la qabto oo lagu shubto ee waa ay ka durugsantahay, Dimoqraadiyadda asalkaa waa marka ay Joornaalistaashu si daacada wararkooda u soo tabinayaa isla markaana ay cadahay qaabka ay u dhacayso, waxaana wada sacabiyay dadkii meesha fadhiyay maadaama uu hadalkaas ku socdo rag badan oo meesha fadhiya oo Doorashooyin been beena qabanqaabiya.

Khudbaddii maanta ayaa ahayd mid 100% Obaama laga dheehanayay in ay daacad iyo qadiyad katahay in Africa ay cagaheeda ku istaagto.

Obaama ayaa khudbadiisa ku bilaabay iniga Abaabay wuxuu kasoo jeedaa Africa, wuxuuna ka hadlay Xiliyadii adoonsiga iyo Gumaysiga.

Obaama ayaa mararka qaarkood ay indhihiisa Ilmo kusoo istaagaysay markii uu ku dheeraaday Khudbado daacad ka ahaa, laakiin aad isugu ceshay in uu Ilmeeyo oo Qiiradu qaaddo

Goor dhow la soco Khubadda Obaama.