Madaxwaynaha Puntland Gaas iyo Raysalwasaare Cabdiwali oo si aad u heer saraysa uga hadlay Nabaadguurka Soomaaliya kasocda (Dhegeyso)

Filed under: Wararka |

Madaxwayne Gaas iyo Raysalwasaare Cabdiwali ayaa mar ay bookhdeen wasaaradda Deegaanka Puntland ka hadlay Muhiimadda ay leedahay in deegaanka ama bay-adda la dhowra, waxaase aad u cajiib noqotay sida labadooduba aad si qotodheer ugu fahansanyihiin waxyaalaha dhaliya Nabaad guurka iyo saxaraha.

Raysalwasaare Cabdiwali ayaa sharaxaya muhiimadda TOP SOIL
TOP SOIL waa lakabka ugu koreeya ee ciidda ee dhulka saaran waana lakabka ay nafaqada dhan geeduhu ka helaan, haddii lakabkaasi ay dabayshu qaaddo lakabka ka hooseeya wax dhir ahi kama soo baxayso, waxaana uu dhulkii noqonayaa dhul saxaro ah

Dhanka kalena Gaas ayaa sheegay in mar uu Maraykanka joogay uu cilmiga Deegaanka koorsooyin ka qaatay wuxuuna sheegay in Jaamacad Arisona kutaal ay saareen Qalab Diyaarad oo kale ah, dabadeedna aduunkoo dhan la dul marsiinayo, wuxuuna yiri markii aan Soomaaliya dulmaraynay ayaa nala istiijiyay, markaas ayay noo sheegaan in ay tahay meeshan, meesha uu Nabaad guurka ugu ballaaran aduunka uu ka socda, waana 90-kii ka hor, intii aan dawladda lahayn

Hoos ka dhegeyso hadalada
Madaxwayne Gaas
[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/10/Madaxweynaha-Puntland.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhegeyso

Raysal Wasaare Cabdiwali
[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/10/Raiisal-Wasaare-Cwali.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhegeyso