Madaxwayne Farmaajo oo Jeediyay Khudbad Muujinaysa Qorshihiisa Siyaasadeed Aad iyo Aad bay U Wanaagsanayd (Fallanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Khudbaddii uu madaxwayne Farmaajo ka jeediyay Caleemasaarkii Farmaajo, waxay ahayd khudbad dhamaystiran waliba ay ku dhammaayeen dhammaan qodabaddii muhiimka ahaa ee dib u yagleelidda qaranimada Soomaaliya ee aan ku faafinaynay mudada P/O.

Runtii khudbad taabagala bay ahayd waana guul Soomaali oo dhan u soo hoyaytay, waxaynu rajaynaynaa in illaahay nooga dhigo Madaxwaynihii Soomaaliya midayn lahaa oo Dawlad taabagalla Soomaaliya ka taabagallinlahaa.

Qodabada Madaxwayne farmaajo aad uga hadlay.
1) Soo cellinta kalsoonida iyo dib u heshiisiin.
2) Saraynta sharciga iyo taabagallinta dimoqraadiyadda.
3) abuuridda illa-dhaqaale
4) Dawlad wanaag.
5) La dagaalidda musuqmaasuqa.
6) Hirgallinta hay’adaha cadaaladda
7) Adkaynta aminiga.
8) Xushmaynta dawladaha dariska iyo caalamka.

Runtii khudbad dhammaytiran bay ahayd.

Kaliya waxaan ku dari lahayn
1) Diinwaangallin, kaar aqoonsi, samaynta galedeegaan siyaasadeed, taabagallinta doorasho cadaalada oo waarta, iyo hay’adahihii fullin-lahaa
2) Xulashada shakhsiyaadka aqoonta iyo khibradda uleh fullinta hawlaha qorshaha siyaasadeed ee uu madaxwaynuhu sheegay.