Madaxwayne Gaas: Aniga iyo wafdi isamo ah waxaan U Baxnay Xarunta Dhaqanka Qardho kadib markii aan Isimadii Garoowe Joogay arrimo badan isla afgaranay

Filed under: Wararka |

Madaxwaynaha Puntland ayaa bartiisa Faceboogga lagu soo bandhigay warbixinta hoose
Jariiban-gaas3
Saaka waxaan Aqalka Madaxtooyada ku Qaabilay Dhamaan Isimadii Ku Shirayay Garoowe Iyo Ismadii Dhex dhaxadinta ku jiray Waxaan iska waraasanay kulamadii Qabsoomay iyo Is fahan waaga dhacay. Wada hadal dheer Kadib, Imaam Abdi Wahaab Gurey Ayaan Kala wareegay Howshii Dhex dhaxadinta Uu Waday, Isimada Garowe Ku shirayay waxaan isla qaadanay Sadexdaan Qodob.
1.In shirarka lagu kala aragti duwanaa aysan Sameeyn Ku yaalan Siyasada, Amaanka Midnimada iyo wadajirka Puntland.
2.in aan Warbaahinta la iskala hadlin ama la isku jawabin cidna Aan Dhaliil loo Jeedin.
3.Guud ahaan in la joojiyay shirkii ka socday Garoowe.
Dhamaan qodobadaan waanu isla qaanay .
Aniga iyo wafdi isamo ah waxaan U Baxnay Xarunta Dhaqanka Qardho.