Madaxwayne Gaas Asbuuca uu Jooggo London oo la Shaaciyay Xafladaha iyo Shirarka uu ka Qayb Galayo (Akhriso)

Filed under: Wararka |

1-Shirka Maalgashiga ee Qaaradda-Afrika oo lagu casumay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama,Madaxweynaha Ugandha Yoweri Muzafeni,Madaxweynaha Tanzania Mizengo-Pinda,Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Marti sharaf kale oo ka socda Hey’adda daneeya maalgashiga Afrika.
2-Hey’adda African Education Trust oo iyaddu ah Hey’ad ka qeyb-qaadatay Manhajka Waxbarashadda ee Puntland inuu noqdo Manhajka Waxbarashadda ee Wadamadda Afrikada qaarkeed iyo Guud-ahaan Soomalaiya ugu fiican,waxayna Hey’addan Saldhigeeda ugu weyn ku taalaa Magaaladda London.
3-Baarlamaanka Ingiriska ayaa casumay,waxaana uu khudbad uu ka jeedin-doonaa Hoolka Baarlamaanka.
4-Wasiirka Dib-udhiska iyo Horumarinta Afrika ayuu kulan la qaadanayaa Xafiiskiisa Westminister ku yaal.
5-Jaamacadda Caalamiga ee University-College-London(UCL) ayuu Ardayda Jaamacadda dhigata khudbad dhanka Waxbarashada ah u jeedinayaa isagoo Xubin Muhiim ah ka mid ah Jaamacadan faraceeda Ameerika.
6-Hey’adda Horumarinta dhanka Caafimaadka ee (FAIR) loo yaqaan ayuu kulan la qaadanayaa.
7-Guriga Aqalka Boqortooyadda Ingiriiska ee Bukinghum Palace ayuu Qado-sharaf ku leeyahay,lama yaqaan Queen Eliezabeth inuu la kulmayo.
8-Xaflad Caalami ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Puntland ee UK(PDF-UK)iyo Soomaalida Ingiriska ayaa loogu dhigayaa Bartamaha London,isagoo halkaas kula hadli-doono Jaaliyadaha Soomaaliyeed.
.