Madaxwayne Gaas iyo dadaalkiisii Kaabayaasha dhaqaalaha Wadooyinkii ay Xukuumadiisu Hirgallisay 2-dii Sano ee uu Xafiiska Joogay

Filed under: Important News,Wararka |


Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu xasuusan doonnaa dadaaladiisii xad dhaafka ahaa ee la xiriiray sidii isbadal la taaban karo lowgu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa aaminsan haddii aan kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka aan la dhisin in aannu jiri karin wax horumar ah haba yaraatee.
Hadaba bal hoos ka akhri wadooyinkii ay xukuumadda madaxwayne Gaas hirgallisay mudadii yarayd ee uu xafiiska joogay
1.Garowe 14 waddo ayay Hantiday
2.Qardho 8 waddo ayaa ka Hirgalay
3.Bosaso: 19 waddo ayaa Laga Dhisay
4.Burtinle ilaa 4 waddo ayaa dib uhabayn iyo Qorshayn loo sameeyay
5.Galkacyo ku dhawaad 20 waddo Baa laga Dhisay
6. Dhisida Wadada Laamiga Buuhoodle
7.Dhismaha Buundada MidiGaar Mashruucii ugu muhiimsanaa
8.Dayactirka in kabadan ilaa 8 Bundo oo runtii loo sameeyay kabayaal Adag
9.Dhisida wajigii labaad Wadada wadaagsin ee Isku Xidha Garacad iyo Galdogob
10.waxaa Diyaar ah oo Bilaabanaya dhismaha Wadada Ceel Daahir Iyo Ceerigaabo Oo Qalabkii Lagu dhisi Lahaa Nasoo Gaaray.
11.Waxaa laga hirgeliyey Deegaanka Xaabo Buundo 40-mitir dhererkeedu yahey balaceeduna yahey 2-mitir, Buundadaas oo isku xirta labada qeybood ee magaalada Xaabo
xaabo 3

buundada xaabo

xaabo2

wadooyinka Puntland