Madaxwayne Gaas Oo Boqortooyada Sacuudiga Mashaariic Dhaxalgala Kasoo Dhameeyay

Filed under: Important News,Wararka |

-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la sheegayaa in ay boqortooyada Sa’udi arabia u ballanqaadeen Mashruuca Garacad-Tuurdibi oo ka kooban dekad wayn iyo laami 350 km.

-Wararkaas oo si hordhaca nagu soo gaaraya ayaan wali si official ah noosoo gaarin.
-Haddii uu Madaxwayne Gaas mashruucaas ku guulaysto ayuu noqon doonnaa Madaxdii Puntland soomartay Madaxwaynihii Puntland ugu waxqabad badnaa.

Sacuudiga ayaan muddo dheer wax maalgallin ah Soomaaliya siin, waana arrin ay Soomaalidu waligood xasuusan doonaan, sida isbartiibadii iyo wadooyinkii ay China iyo Talyaanigu Soomaaliya u dhiseen oo wali la xasuusto.

Dhanka kalena waxaa jirtay shirkad gaar loo leeyahay Oo China laga leeyahay oo iyana ballanqaaday goor dhaw in ay dekadda Garacad maalgashanayso oo kharashaadka ku baxaya dhismaha saami 30% qaadanayso halka inta kalena Ganacsato Soomaali ah ay maalgashanayaan, arrinkaas oo lagu ballamay in la hirgallinayo, laakiin haddii qorshahaan danbe ee sacuudiga soo kordho ayaan qudhiisu diidayn arrinkii hore oo isla shirkaddii ayaa dhismaha fulinkarta.

Si kastaba ha ahaato, haddii ay hadda Boqortooyada Sacuudigu billowday in ay maalgashato soomaaliya waa arrin u wanaagsan laba shacab iyo labada dawladood.
Lasoco wararkaaas

4 Responses to Madaxwayne Gaas Oo Boqortooyada Sacuudiga Mashaariic Dhaxalgala Kasoo Dhameeyay