Madaxwayne Gaas Oo Ka Hadlay Mowqifkii Puntland Ay Ku Taageertay Xulufada Sacuudiga

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in danaha istaraatijyadeed ee Puntland kala dhaxeeyay Sacuudiga iyo Emiraatka uu ku qasbay in maamulkiisu uu la safto dalalkaasi.

Gaas, oo wareysi siiyey VOA, ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay ka noqoto go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay xiisadda ka taagan Khaliijka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay dowladda dhexe uga danbeyso go’aamada arrimaha dibedda ee ay xaq u leedahay, balse wuxuu sheegay in dastuurku uu dhigayo in arrimaha qaarkood laga wada tashado.

Weriyaheena London Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa madaxweynaha maamulka Puntland khadka taleefonka ee Boosaaso ku wareystay, wuxuuna weydiiyay inuu faahfaahiyo mowqifka ay Puntland ka qaadatay arrintan.

One Response to Madaxwayne Gaas Oo Ka Hadlay Mowqifkii Puntland Ay Ku Taageertay Xulufada Sacuudiga