Madaxwayne Mansabkasta magacaabaya Ma dimoqraadiyad mise Diktaatooriyad (Maqaal xal u ah Nidaam darada Soomaalida)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Dimoqraadiyad micnaheedu waa nidaam Hoos ka dhis kor u dhis, ama Nidaam waxwalba shacabka ka yimaadaan, waana Nidaam isla Xisaabtan iyo wadatashi, waxwalbana shacabkay ka yimaadaan, ruuxa ay Doortaan oo matalan ay Madaxwayne u doortaan, shaqadiisu waa Arbiitare, ama Illaaliye ee ma ahan ninkii isagu waxwalba go’aan ka gaarayay.

Caqabadda ugu wayn ee maanta Soomaalida haysata waa nidaam daro, waxaana maanta Caqabad shacabkii Soomaalida ku noqday Madaxda ay ay doortaan, Madaxda Qudhooda waxaa Caqabad ku ah arrinkaan waayo waxaas oo shaqo iyo masuuliad ah hal qof ma awoodo, marka aakkhirka Madaxwaynihii wuxuu yeelanayaa Mucaarad farabadan.

Waxaad arkaysaa Madaxwayne kasta siduu rabo ayuu yeelayaa wuxuuna jagooyinka u magacaabayaa asxaabtiisa iyo xigtadiisa bal u fiirso meel walba oo Soomaali ay Joogto, oo waxaa ugu dambeeyay Wasiiradii shalay is casilayay ee Soomaaliland, sababta ay isku casileen waxay muujinaysaa in meesha Siilaanyo iska leeyahay ee aynan shacabku lahayn ama aannu nidaam iyo sharci ka jirin.

Dhanka Muqdisho Xasan sheekh Cidduu rabuu iska magacaabaa, wuxuuna jagooyinkii dalka u wada magacaabay Damjadiid iyo Qof allaale ee uu doono.
Puntland prof Gaas dad badan baa isla lahaa allayle maantay Puntland nin aqoonle oo dhalinyaro ah bay heshay, oo waa la ogaa shacabkii siday u farxeen, laakiin Prof Gaas jagooyinka marka uu magacaabayo wuxuu ku magacaabaa awood Madaxwayne calashaan qofkuu doono ayuu magacaabayaa illaaa min heer degmo, waana Caqabadda ugu wayn ee Gaas haysata ee ay wax ugu socon la’yihiin, haddii uu markii uu Madaxwaynaha noqday shaqada qaybin lahaa waxwalba sidatan waa uga fududaan lahaaayeen.

Hadaba qormadaan ayaan si kooban ugu fallanqaynaynaa arrinkaas

Madaxwayne dal Dimoqraadiyad ka jirto Madaxwayne ka noqday, shaqadiisu waa Saxiixe, ee meelna iskama gallaan dal dimoqraadiyad ka jirto in mansabkasta Madaxwaynuhu magacaabo.

Ruux kasta oo Mansab qabanaya illaa Heer Wasiir, waa in ay shacabka ka timaadaa ruuxa ku habboon booskaas, markaas ka dib Madaxwaynaha shaqadiisu waxay ku koobantahay in uu aqballaa haddii Qaabka loosoo xulay ruuxaas uu ahaa qaab saxa, haddii kalena Dib shacabkii ugu ceshaa oo diiddaa, waana in ay jiraan Gudiyo loo xilsaaro marka ruuxa la soo xulayo.

Qaabkee ugu Habboon ee jagooyinka loo magacaabaa

.
Maqaalkaan akhi waa maqaal la xiriira qormadaan iyo agaasimayaasha habka loo magacaabo

Horta dal Dimoqraadiyad ka jirtaa marna Gudoomiye Degmo Madaxwayne ma magaacaabo xitaa ma saxiixo wax shuqulana kuma laha, taasi aad bay ugu soo horjeeddaa Dimoqraadiyad, sidoo kalena Agaasime Madaxwayne ma magacaabo mana saxiixo ama xitaa in uu shuqul ku yeeshaa ma ahan, Kaliye Madaxwaynuhu Wuxuu Talo ku yeelankaraa ama Magacaabi karaa Gudoomiyaha Gobolka, iyo Wasiirada, waxaana wanaagsan matalan marka Gudoomiye gobol la magacaabayo dalalka Dimoqraadiyada ka jirtaa.

Marka hore waa in ay Jirtaa Xarun heer Gobol ah oo ay Degmooyinka wakiilo shacabku soo doortay u matalaan, oo matalan ay Degmo kasytaa Laba xubnood heer Gobol u joogaan.
Marka Gudoomiyaha la magacaabayo, waa in la sameeyo Gudi ka kala socda Qaybaha kala duwan ee Gobolka o matalan kaba soo qaad illaa 20 xubnood gudi ka kooban, oo 5 Xubnood Degmooyinka ka yimaadaan, 5 xubnood Odayaasha Dhaqanka, 5 Xubnood Prof soorada, 5 Xubnoodna bulshada rayidkaa iyo aqoonyahanka, dabadeedna ay gudigaas soo kala saaraan u tartamayaasha Gudoomiha Gobalka, markaas ka dib ninkii ku soo baasa tartankaas oo waliba la rabo min billow illaa dhamaad in ay saxaafaddu dul joogto si shacabku uga warhayaan habka tartanku u dhacayo, markaas ka dib Madaxwaynuhu eeggo qaabkii hawsha loo fushay in uu sax ahaa, markaas hadduu sax ahaa uu Magacaabo.

Nidaamkaas weeye Dimoqraadiyaddu, laakiin haddii uu Madaxwaynuhu iska magacaabayo ruuxuu doonno, nidaamkas waa nidaam xittaa ka hooseeya Diktaatooriyadda, waayo Diktaatoorku wuxuu rabo ayuu xoog ku socodsiin karaa, laakiin madaxwaynaha lasoo doorto awood malaha, maadaama aanu awood lahayn, haddii meesha cadaalad daro jirto shacabkii la shaqayn mayaan xukuumadaas, marka aakhirka wixii waa burburayaan.

Madaxwaynaha ay ka go’antahay in badbaadsha xaaladda cakiran ee Soomaalida, waxaa u wanaagsan in uu shaqada qaybsho oo shacabka u daayaa shaqada 90%, isaga kaliya dusha ka illaashaa xeerarka iyo nidaamka dastuurigaa ee hawlaha lagu kala socodsiinayo.

Waxaad arkaysaa madaxwayne oranaya waxaan idiin dhisayaa ceelal, arrinkaas waa arrin aad aad ula yaabayso.
Madaxwaynuhu xagee ka keenayaa lacagta uu shacabka ceelasha ugu dhisayo horta, waxay ahayd in uu yiraahdo xukuumadaydu waxay hormuud ka noqonaysaa Nidaam isla xisaabtama oo aad ceelal ku dhisan kartaan, laakiin waxaad arkaysaa Madaxwaynihii oo ku doodayaa Ceelal baan idiin qodayaa, iyo shacabkii oo ku dagaalamayaa Madaxwaynuhu Degmadayada muxuu ceelal ugu qodi waayay.

Haddii la hirgallin lahaa Nidaam wanaagsan oo horumarineed oo shacabka dhaqaalahooda lagu midayn lahaa xatooyada iyo musuq maasuqa laga illaalin lahaa markaas ayay shacabku dhisan lahaayeen Ceelal

Arrinkaan waa meesha ugu wayn ee Burburku ka jiro.

Lasoco Qormooyin arrinkaan ku saabsan

Diyaariye
Ibrahin Sh Maxamed Gablax Gablax@yahoo.com

Halkaan ka eeg Qormooyinkii hore ee Ibrahin Gablax

Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)