Madaxwayne Siilaanyo: Faysal Cali Waraabe sarkaal basaas xukuumadda Siyaad Barre ah buu ahaa markaan Jamhadaynayay (Daawo + maqaal kooban)

Filed under: Wararka |

Maxamed Axmed Siilaanyo ayaa ahaa aasaasihii Jamhaddii SNM, halka uu Faysal Cali Waraabe ka tirsanaa sarakiishii Xukuumaddii Siyaad Barre.

Markii Burburkii Soomaaliwayn uu dhacay ee Siyaad Barre laga adkaaday Faysal wauxuu lasoo baxay Kaadh Cusub oo uu isaga dhigayo nin ka mid ahaa raggii ka dhiidhiyay Xukuumaddii Siyaad Barre dhacdooyinkii ay reer waqooyiga kula kacday.

Faysal ayaa dhalinyarada reer waqooyiga isaga dhiga nin ka difaaca Majeerteenka, laakiin waxaa cajiib ah goormay Majeerteen Beesha Isaaq ku duulleen.

Beesha Isaaq waxaa ay ka cabanaysaa Xukuumaddii Siyaad Barre iyo intii la shaqaynaysay oo uu Faysal Cali Waraabe ka mid ahaa, laakiin Majeerteenku waxayba lahaayeen Jamhaddii SSDF ee Xukuumadda Siyaad Barre Mucaaradka ku ahayd.

Halka uu faysal Kamid ahaa saraakiishii Xukuumaddii Siyaad Barre ee SNM soo basaasi jiray.

Maantay faysal Luuqad kale ayuu ka dhaadhiciyaa dhalinyarada reer Waqooyigaa taas oo ah waxaan idinka hayaa Majeerteeniya, waana siayaasad laba aflay iyo kursi doon ah, ee hadduu daacad yahay xilligii ay beesha isaaq difaaca u baahnaayeen ayuu Faysal Beesha wax ka difaaci lahaa.

Siilaanyuu isku doontay oo waligiis jamhadayn jiray bal hoos ka daawo xabadaha Siilaanyo ku riday.