MADAXWEYNE GAAS HOGAMIYE QAALIYA OO DADKIISU HAGRADAY (Maqaal uu Qoray Saxardiid kilwe Qoraa Culus)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Gaas London8

Halkaan ka daalaco qormooyinkii hore ee Qoraaga caankaa Saxardiid Kilwe

Waayadan dambe mareegaha somalida, baraha xiriirka bulshada iyo fadhi ku dirirada daweynuhu ku falanqeeyaan siyaasadaba waxa kusoo badanayay dhaliilo loo jeedinayo madaxweynaha Puntland Dr. C/weli M. A. (Gas), Kaasoo lagu eedaynayo gudoon jilicsan.

Hadaba anoon gudagalin faahfaahinta eedaymahaas, isla markaana garsoore ka noqon ka gungaarida waxa ka jira eedaymahaas, waxan doorbiday inaan si kooban u dulmaro taariikhda hogaamiyahaas intuu kasoo dhexmuuqday siyaasada Somalia ilaa xilligan saluugmadu timid. Dabeedna u daayo shacabkiisa inta eedaynasa iyo inta difaacaysaba inay xukumaan hogaamiyahooda.

Wax yar ka hor intan hogaamiyaashii Somalia xilligii kumeelgaarka qalinka ku duugin heshiiskii la magac baxay “Kampala Accord” 9 June 2011, waxay dawladii martida loo ahaa, ciidanka ugu badanina Somalia ka joogay soo bandhigtay  doonisteeda mudo kordhin hal sano ah oo loo ogolaado dawladii u madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheikh Ahmed. Taaso xilligeeda dastuuriga ahi ku ekaa bisha september ee isla sanadkaas. Gorgortan arrintaas laga galay kadib, waxay madaxdii somaliyeed ee miiska fadhiday kala noqdeen: mid xil kordhin sanada helay, mid codkiisa gatay, mid jagadiisii ku waayey iyo  mid so magacaabida jagadaas yeeshay.

10 beri kadib saxiixida heshiiskaas, 19kii June 2011, waxa iscasilay raysulwasare Farmaajo sidii lagu heshiiyay. 4 beri kadibna hogaamiyihii laga sugayey buuxinta jagadaas ayay isla meeldhigeen madaxweyne Shariif inuu 23 June 2011 raysulwasaaraha cusub u magacaabo Dr. C/weli Maxamed Cali (Gas). Kaasoo hore u ahaa wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee xukuumadii Farmaajo oo iscasishay.
Misna 5 beri kadib 28kii June 2011 ayuu baarlamaanku ansaxiyay raysulwasaaraha cusub. Si la mida ayay baarlamanku misna 11kii July 2011 u meel mariyeen ansixinta qodobadii Kampala Accord oo uu raysulwasaaraha cusubi ugu horreyn hordhigay baarlamanka sidii dastuuriga ahayd.

Dhacdooyinkaas sida talantaaliga ah u dhacay mudo bil ka yar kadib xilli ay dalka ka jirtay abaar gaag ma reeba ah, ayuu Gas si aan hor loo arag degdeg u kasbaday taageerada dadkiisa iyo caalamkaba, kadib markuu ku guulaystay inuu indhaha caalamka kuso jeedsho abaartii ba’nayd ee koonfurta Somalia aafaysay. Waxaynu si weyn u xasuusanaa in dadaaladii badnaa ee xukuumadiisu sawirka dhabta kaga bixisay laxadka abaarta ku habsatay dalka ay ahayd tii keentay raysulwasaarihii turkiga xilligaas Recep Tayyip Erdogan iyo afadiisa inay booqasho gurmada ku yimaadeen Muqdisho. Iyagoo ilaahay ka sokow iyana sabab u noqday in gargaaro degdeg ah ay turkeyga iyo dawlado kaleba si isdaba jooga u soo gaarsiiyeen dadkii tabaalaysnaa.
Intaa kadib, xukuumadiisu waxay sidoo kale gudagashay si muuqatana uga soo dhalaashay hawshii loo igmaday oo ahayd inay dalka ka saarto kumeelgaarka sannad qura gudihiisna 12ka september 2012 ku qabato doorasho xaq iyo xalaal ah.
Isagoo taa ka duulaya wuxu Gas 4tii september 2011 Muqdisho ka furay shirweynihii wadatashiga somaaliyeed oo looga arrinsaday sidii looga guuri lahaa kumeelgaarka. Shirkaas oo socday 3 beri soona gebagaboobay 6dii september 2011 ayaa lagu go’aansaday in Somali ka baxdo kumeelgaar iyadoo la raacayo tallaabooyin qodobaysan (road map).
Qodobadaasna xukuumadii RW Gas siday ahayeen ayay u fulisay:
1) DASTUURKA
Qabyo qorida dastuurka ayaa madaxda somaliyeed qodobadiisa masiiriga ah iskula qaateen 12 december 2011, shirarkii Garowe 1, 2 iyo 29 march 2012, Galkacyo 1. Kadibna 6 dii saxiixayaal ayaa qalinka ku duugey Nairobi. Ugu dambayntiina shirweynihii ansaxinta dastuurka somaliyeed oo ka koobnaa 825 ergay oo lagasoo xulay dalkoo idili ayaa shirkoodii Muqdisho 25 July  ilaa 01 Agust 2012 ku ansaxiyey dastuur federal ah.
2) BAARLAMAANKA
135 oday dhaqameed ayaa soo xulay xubnaha cusub ee baarlamanka hada jira. Iyadoo guddi farsamana sii kala hufayey. Ugu dambayntiina waxay xukuumada RW Gas daahfurtay baarlamaan cusub oo ka kooban 275 xubnood 20 Agust 2012.
3) XORAYNTA GOBOLLADA  xukuumada RW Gas waxay baal dahaba ku gashay inay cimrigeedii koobnaa dhulka ugu badan ka xoraysay Alshabaab iyadoo kaashanasa ciidan isugu jira Somali iyo Amisom. Kuwasoo gacanta ku kala dhigay degaanadan mid walba taariikhda ku xusan:
Muqdisho 6/8/2011, Beledweyne 31/12/2011, Baydhabo 22/2/2012, Afgoye 25/5/2012, Balcad 26/6/2012, Marka 26/8/2012 iyo degaano kale oo intaa u dhexeeya.
4) DOORASHADA
Dhankii doorashadana baarlamaankii lasoo xulay ayaa 28/8/2012 doortay guddoonkoodii, 30kiina fadhigoodii xigay u asteeyay 10/9/2012 doorashada madaxweynaha. Taasoo tartan kharaar kadib uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud.
Go’aan qaadasho fiican, hal-adayg, firfircooni iyo fulin qorshaysan ayuu Gaas dalka kaga tallaabiyay kumeelgaarkii isagoo midigta iyo bidixda ku kala haystay madaxdii Dawladii Federalka Kumeelgaarka Soomaaliyeed (DFKS) iyo hogaamiyaashii maamuladii markaa jiray sida: Dawlada Puntland (PL), Maamulkii Galmudug (GM) iyo Maamulkii Ahlusunna (AS).

Shaki kuma jiro in guushaasi Gaas u ahayd tijaabo u meelmartay, isagana gelisay han siyaasadeed iyo hami uu ku hiigsan karay soo celinta qaranimadii Somalia. Sidaa darteedna wuxu isusoo taagay inuu u tartamo jagada madaxweynaha Somalia.

Hadaba markii la eego awoodii xafiiskiisa iyo galgalkii uu u lahaa 135tii oday dhaqameed ee soo xulayey xildhibaanada baarlamaanka iyo guddigii farsamo ee uu u xilsaaray kala hufida xubnaha odayaashu usoo gudbiyaan, waxa la oran karaa wuxuu fursad u haystay inuu magacyo badan oo uu codkooda isku hallayn karay kusoo darsado liiska xildhibaanada, haba u badnaadeen xubnihii xukuumadiisii la magac baxday “Badbaado Qaran”.

Dhanka kale wuxu taageero siyaasadeed iyo maaliyadeedba ka filanayey madaxweynihii Puntland ee ay sida heerka sare ahayd uga wada shaqeeyeen road mapkii dalka kumeelgaarka looga saaray. In heshiis hoosaad jirayna waa la sheegaa ay labada masuul isaga kaashan rabeen ololayaashoda doorasho oo kusoo kala fool lahaa 2012 iyo 2014 ee DFS iyo PL say u kala horreeyaan.

Kalsoonida weyn ee Gaas ku qabay in dadkiisa uu dawladoodii kumeelgaarka uga saaray dooranayaan si uu hore ugu sii tallaabsado isbedelo kale, waxay geyaysiisay inuu bilowgii ololihiisa ku gacan sayro madaxweynihiisii oo usoo jeediyay inay u wada ololeeyaan siday labadooduba markale ugusoo noqon lahaayeen jagooyinkooda.

Hase yeeshee xog lagu kalsoonan karo oo lagasoo xigtay taageerayaashiisii ugu dhawaa ayaa tibaaxday in bartamihii ololihiisa uu Gaas ka qancay jagadii uu u tartamayey sababo dhawra awgood:

1)      Wuxuu ogaaday si kastoo uu codeeyaha Somaliyeed kuu taageersan yahay, in mar kasta codkiisu beec yahay. Isna hufnaantii uu xukuumadiisa ku waday awgeed ma aruursan hanti uu codad ku filan ku gadan karay.

2)      Digniino ammaankiisa la xiriira oo cadaadis ku ahaa isaga iyo musharax madaxweyne kastoo aan u dhalan Muqdisho. Arrintaasoo xaqiiqadeedu kasoo ifbaxday natiijadii doorashada, markii ay si muuqata murashixiinta Muqdisho keliyihi isku ciriiryeen kaalimaha hore.

3)      Beesha caalamka oo saamayn weyn ku lahayd doorashada oo qorshe kan Gaas ka duwan wadatay.

4)      Taageeradii PL uu ka sugayey oo noqotay halkii cir laga filayey oo ceeryaamo ka timid.

Nasiib darro, rajo xumada usoo baxday murashax Gaas waxay makaabsatay, la taliyayaal ma oran karee, dillaalo caadaystay samsarada iyo u kala dabqaadida siyaasiyiinta iyagoo eexaysanaya danahooda gaarka ah, Nuxnux badan oo ay dhegaha ugu rideena waxay ugu dambayn murashaxa ku xanbaartay inuu qaato go’aan ah: “Naftaada u dadaal wacad allaan duulna kuu rabine”.

Isla markiina xodxodashadii 2aad ayuu ka helay kooxda Damjadiid oo hordhigtay soojeedin tii hore ka fursado badan. Hadal la yiri keliyana ma ahayne tani hawlgelinteeda ayay wadatay. Waxay ka dalbeen si ka duwan tii hore inay keliya mideeyaan dadaaladooda olole, iskana kaashadaan siday mudanayaasha ugu badan labadooda xarumood u hoos keeni lahaayeen. Ugu dambayntana koodii wareega 1aad cod bata kan codadka yari ugu shubo codadkiisa wareega 2aad. Sidaasna lagu kala qaato 2da jago ee madaxweynaha iyo raysulwasaaraha sida loo kala cod bato wareega 1aad.

Dabcan soojeedinta Damjadiid oo siisay Gaas fursad madaxweyne, hadii kalena raysulwasaare, balse aan marnaba hungo ka muuqan ayuu u arkay mid ka fursado badan tii Shariif. Heshiis kadibna wuxuu xulafadiisa ka helay dhaqaale uu mar kale ku dardar geliyo ololihiisa. Taasoo suuragelisay in xulafadu hantido kaalinta 2aad iyo 3aad Shariif ka dib tirintii codadka wareegii 1aad.

Waxa xusid mudan qorshihii ay wadajirka u dhigeen Damjadiid iyo saaxiibkood Gaas si ay doorashada ugusoo afjaraan wareega 2aad. Habeenkii ka horreeyay subaxdii doorashada loo dareerayey ayay si maldahan u shiriyeen murashixiintii mucaaradka oo dhan. Waxay ku qanciyeen murashaxiin gaarasay 7 murashax, in maadaama isbedeldoon la wada yahay wareega 2aad codadkooda oo dhan lagu wada shubo murashaxa ugu codbata isbedeldoonka wareega 1aad, say waa rag is-hubee.

Gaas wuxu natiijadii tirinta codadkii wareega 1aad galay kaalinta 3aad ka gadaal Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif. Wuxuna fishay raysulwasaare siduu ahaa heshiiskii uu la galay Damjadiid. Waase hadii codadka murashixiinta mucaaradku aadaan dhanka jaalihiis sidii loo ballamay. Sidaa darted waa kii is hayn waayeyoo madashii doorashada oo olole ka caagan dhexdeeda kaga dhawaaqay “isbedeldoonka haloo hiiliyo” siduu heshiisku ahaa, illayn waa nin meel wax u yaaliin siduu islahaaye.

Damjadiid oo si fiican u ogaaday kaalinta Gaas ka qaatay guushooda, balse ah koox isku xiran oo cid kale aan ogolayn inay soo dhexgasho siyaasadahooda cid ay iyagu adeegsadaan maahee, ayaa ka baaqsatay inay C/weli Gaas u magacaabaan raysulwasaare sidii heshiisku ahaa, Balse iyagoo tooda wata ayay ku qanciyeen inay 2014 ku fariisin doonaan kursiga madaxweynaha PL, si ay laba shimbirood hal dhagax ugu wada dilaan.

Rumaysta ama ha rumaysanina wixii heshiiskaas ka dambeeyay Gaas wuxuu ka tirsanaa ciyaalka xaafadaha Damjadiid. Iyaguna inkastooy ballantii hore uga baxeen kooxda oo isku khilaaftay darted, jaribaad badan kadib waxay danahooda ka dhex arkeen in Gaas munaasib u yahay inuu u  qabto madaxtooyada PL. Wayna ka dhabeeyeen inaysan kala bakhaylin maalgelintuu u baahnaa illayn la ogaayoo doorasho somaliyeed waa cod gadashee. Gaas qudhiisu ololihiisii doorashada PL si uu u dhiirigeliyo taageerayaashiisa kama qarin jirin inuu ballan qaad adag ka haysto jiho danaynasa inuu ku guulaysto kursiga madaxtooyada PL. Arrintan waxan hore ugu xusay maqaal aan kaga faalloonayey ololaha doorashada PL 2014. Cinwaankiisuna ahaa “PUNTLAND LABADA U HESHIISAY MAAHEE MAWAAN HALYEEY KALE JOOGIN” Ka akhri halkan: https://horseedmedia.net/2013/12/25/puntland-labada-u-heshiisay-maahee-miyaan-halyeey-kale-joogin/

Adigoon cadayn kale u raadin arrimahan kasoo sheekeynay, waxa kaaga filan dhacdooyinkii 2012 ilaa hadda oo aad gadaal u raacdo, mid kastana wax yar isdultaagto, iskana weydiiso suaalaha kaaga muuqan kara.

–          Kasoo bilow ”isbedeldoonka ha loo hiiliyo”dii Gaas kaga dhawaaqay madashii doorasha madaxweynaha DFS, 10kii September 2012,

–          Dastuurkii Gaas dalka kumeelgaarka kaga saaray oo lixda saxiixe lahaa, markay Damjadiid iyo wasiirkiisii dastuurku bedeleen, PL-na ka hortimid xilligii Faroole, muxuu Gaas ka yiri?

–          Xiriirkii wadashaqayneed ee Faroole u jaray DFS, isagoon xataa soo celin waakan DFS ku milmaye, maxa ku khasbay tuugaysiga?

–          Isbarbardhig mawaaqifta Gaas af ahaan ka sheego iyo kuwa uu ficil ahaan u muujiyay siyaasadaha Damjadiid ee guracan. sida: ishortaagii dhismaha Jubaland, dhismihii galmudug, dhismaha gudiyada dibueegista dastuurka, xuduudaha, doorashada iwm.

–          Wasiiradii PL xukuumadii Gaas ee u horreysay ugu cadcadaa maxay galabsadeen? Yaase dhabtii ka dambeeyay fogayntooda?

–          Yaa ku dirqiyay Gaas bedelida gudoomiyihii baarlamaanka PL oo subax qura la inqilaabay, yaase keenay kan jooga, ama ka dambeeyay inuu si bareera ugu ololeeyo kan cusub? Arrintaas oo quraa ku filan kashifida wejiga dhabta ah ee Gaas.

–          Dadkii xukuumadii faroole ku heshay falalka argagixiso oo dilka ku xukunaa sida Mursal Black oo markii Gaas sii daayey, dib usoo abaabulay qaraxii xarunta UN-ka Garowe, yaa ku amray Gaas sii dayntooda?

–          Dagaalkii Galkacyo yaa hurintiisa danaynayey? muxuse ahaa doorka uu Gaas ka ciyaaray iyo qorshihii laga lahaa?

–          Dagaaladii ka dambeeyay sida rabshadihii Bosaso, weerarkii alshabab ee xeebaha PL sidee Gaas u maamulay? Bal u fiirso hadaladuu ka yiri iyo siduu xukuumadiisii u beeniyay ciday ku eedeeyeen isagoo dalka ka maqan oo aan weliba soo weydiin xukuumadiisa cadaymaha ay hayaan…

–          Muxu kaga jawabay Gaas hubkii deeqda imaaraadka ahaa ee qarxiyihii xamar lagaga soo furay oo lagu dagi rabay ciidanka PL oo dagaal ku jiray, maxase qabsaday saraakiishii arrintaa kashiftay?

–          Muxu Gaas ilaa hada uga warwareegayaa diyaarinta doorashadii guud ee uu rer PL u ballan qaaday, yaase ka horjooga.

–          Riwaayadii 4.5 iyadu iigama baahna inaan far ku fiiqo, balse waxay keliya oo tusaysaa in Gaas marakan banbaxay is qarin dambena u baahnayn “because he did it”.

 

Intaas oo jirta, waxaa Gaas logu garaabi karaa inuu ahaa hogaamiye daacada oo si hufan u shaqeeyay xilligii uu ahaa wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga xukuumadii Farmaajo iyo xilligii uu raysulwasaaraha ka ahaa DFKS. Waagaas iyo hadana wuxuu kala yahay laba qof oo isku lidi ah. Waxa saas ka dhigayna waa dadkiisa soomaliyeed oo aan wanaag iyo waxqabad rabin waxna ku qiimayn. Balse iyagoo laaluush ka qaadanaya kii baabi’inayey ayey hadana rabaan in wax hagaagaan. Taasina waa waxan dhici Karin. sidaa darted ayuu Gaas aragtidayda isna biyuhu dhankay u socdeen ula qulqulay, si aan daadku u hafajin. Keligiisna maahee waan hubaa dad badan oo toosnaan lahaa inay qallooca soomaalida raaceen. Ogaadana waa sunnaha ilaahay inaan dad xun qof wanaagsan hogaan looga dhigin waayo maba istaahilaan. Hadii looga dhigayana waa in isagu marka hore xumaadaa oo iyaga lamid noqdaa: Ilaaheen wuxu yiri: “وكذلك نولي الظالمين بعضهم بعضا”

Saxardiid Kile
ssaxardiid@gmail.com

Halkaan ka daalaco qormooyinkii hore ee Qoraaga caankaa Saxardiid Kilwe

2 Responses to MADAXWEYNE GAAS HOGAMIYE QAALIYA OO DADKIISU HAGRADAY (Maqaal uu Qoray Saxardiid kilwe Qoraa Culus)