Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya iyo Saraakiil Ka Socdey Qaramada Midoobey.WARBIXIN+SAWIRO

Filed under: Wararka |

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, ayaa maanta gelinkii danbe 28 November 2016 qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey hay’adaha UNSOM, UNDP iyo UNFPA.
Weftigan uu madaxweyne ku xigeenku kulan ka laqaatay ayaa waxa ay kala ahayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador, Mikeel Lindvall, madaxa UNFPA Soomaaliya Mr. Nikolai Boten, madaxa UNDP Puntland Mr. Sayed Zahabdin, iyo madaxa UNSOM Puntland Mr. Haward Bell.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, Hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee HADMA iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.
Kulankan kusimaha madaxweynaha Dawladda Puntland uu la qaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaliya iyo saraakiisha ka socdey Qaramada midoobey, ayaa lagaga hadlayey arrimo la xiriira mashaaricaha ay ka fuliso Dawladda Sweden Puntland oo ay fududayso UN, Doorashooyinka ka socda Puntland iyo abaaraha baaxada leh ee ka jira Puntland.
Ugu horeyn madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa weftiga ku soo dhoweeyay madaxtooyada, intaasi ka dib waxa ay iska xog waraysteen kusimaha Madaxweynuhu iyo weftigaasi xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona sheegay in xaalada abaareed ee ka jirta Puntland ay marayso meeshii ugu darnayn loona baahan yahay in dadka abaaruhu sameeyeen loo fidiyo gurmad deg deg ah, waxaana uu madaxweynuhu uga mahadceliyey weftiga sida ay uga soo jawaabeen baaqii Dawladda Puntland ee la xiriiray abaaraha.
Sidoo kale madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga ayaa ka wada hadlay doorashada aqalka hoose ee ka socota Puntland, waxana ay sheegeen weftigu in doorashadu tahay mid u socota sidii loogu tala galay, Dawladda Puntland-na ay u maraysay habsami u socodka doorashada sidii ugu macquul sanayd.
Dhinaca kale ku simaha madaxweynaha Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa waxa ay ka wada hadleen Safiirka wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya ambassador Mikeel Lindvall, Mashaarica horumarineed ee ay ka wado Dawladda Sweden Puntland ayna fuliso UN-ku, kuwaas oo maraya meel wanaagsan qaarkoodna ay gebogebo ku dhowyihiin.
Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa danjiraha iyo saraakiisha ka socotey Qaramada midoobey ku adkeeyey in mar walba loo bahan yahay in gacan laga geyso gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen, islamarkana uga mahad celiyey sida ay uga soo jawabeen baqii abaaraha ee dawlada Puntland hore ugu dirtay beesha caalamka iyo cid kasta oo ka qayb qadan karta abaaraha ka jira Puntland.
–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
sweden-puntland

sweden-puntland1

sweden-puntland2

sweden-puntland3

sweden-puntland4

sweden-puntland5

sweden-puntland6

One Response to Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya iyo Saraakiil Ka Socdey Qaramada Midoobey.WARBIXIN+SAWIRO

  1. Pingback: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya iyo Saraakiil Ka Socdey Qaramada Midoobey.WARBIXIN+SAWIRO - Daily Somalia Report