Madaxweyne Xassan Sheekh oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Cadaado

Filed under: Wararka |

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah safar ku tagay magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud isagoo ka socdaalay magalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweyne Xasan ee gaaray Cadaado ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degamda Cadaado qeybaha kala duwan Shacabka odayal dhaqameed iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Cadaado kaga sii horeeyay Madaxweynahaa.

Maamul usameynta G/dhexe ayaa ah mid ay wali isku khilaafsan yihiin odayaasha deegaanka, iyadoo ay meesha kasocoto siyaasad aad ujahwareersan oo gacmo dalal shisheeyena aysan ka marneyn.