Magaalada Boosaaso ay soo gaareen Qaxootigii ugu badnaa oo Soomaaliyeed, kuwaasoo kasoo carerey Dalka Yamen

Filed under: Wararka |

Waxaa magaalada Dekada ah ee Boosaaso xeebteeda ku soo xiratey Doon aad u weyn oo siddey qoxooti aad u badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo kasoo cararey dagaalada ahliga ah ee weli ka soconaya halkaas. Tirada qaxootigaas ay kor u dhaafeysey 250 qof, kuwaasoo isagu jirey qeybaha kale duwan ee Bulshada sida, Caruur, Dhalinyaro, Haween, Odayaal iwm.

Qaxootigaan ayaa sida la sheegey waxaa haysata dhibaatooyin aad u badan oo dhinaca daryeelka ah, sida Caafimaad-darro, kuwaasoo qaar kamid ah xaaladoodu dhimasho qarka u saaran tahay.

Waxaa sida la xaqiijiyey Qaxootigu ay Doonida kasoo raaceen Dekadda weyn ee magaalada Mukalah ee dalka Yamen, kuwaasoo u adkeysan kari waayey dagaalada ahliga ah ee halkaas ka socda, waxaanna ugu dambeynna ay si nabeg-gelya ah usoo gaareen Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso.

Waxaa illaa hadda aan Jirin Dawlad iyo Hay’ad caalami ah oo gurmad la taaban karo u fidisey qaxootiga tirada badan ee maalin walba iyagu kasoo cararaya Yamen, taasoo ay muuqato in dawladda Soomaaliya iyo Hey’addaha Caalamiga ahba ay gaabiyeen masuuliyaddii ka saarneyd.