Maqaal ku Saabsan Cawaaqib xumada Kaligi taliyaha iyo Khudbaddii Madxwayne Putin

Filed under: Wararka |

Maqaal yar oo kooban, Cidhib xumada iyo Cawaaqib Xumada kaligi Taliyaha.

Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan waa maahmaahda Soomaalida oo sida wanaagsan u soo koobaysa in waxwalbaa ay ku wanaagsan yihiin in si wadajir ah loo qabto.

Kaligi Taliye wuxuu kasoo horjeedaa Caqligii oranayay aan wada tashano, markaan wada tashano, aan wax wada qabsano, markaas ayaan horumar hiigsan karnaa.

Caqliga Kaligi Taliyuhu waa aan kaligay wax walba go’aan ka gaaro, hadde marba haddii aan wixii laqabanayay aan laga wada tashan, sidee loo dhamaystirayaa oo si niyad ah loo wada fulinayaa.

Maanta markii aan daawaday khudbaddii Butin waxaan ka waayay hal eray oo meel yar kasoo galaya aan wada tashano, waxaanad mooddaa in Putin uu kaligii wax walbaa go’aan ka gaarayo.

Waana middaas mida ladoonayo la iska illaasho oo Ruuxa in yar kaligi Talisnimo ah laga dareemo aan wax yar oo Jilleec ah latusin ee gacan bir ah la isaga wada qabto, waayo waxwalba waxaa ka daran waxa uu Bulshadiisa dhaxalsiinayo, waayo Soomaalidaa waxay tiraahdaa ratiga Hore ratiga danbe saansaantiisa ayuu leeyahay.

Shacabka Soomaalidaa wixii uu Baday Marxuum Kaligi taliye Siyaad Barre waa waxa ay illaa hadda kasoo kaban la ’yihiin, waxaana illaa hadda Soomaalidii hortaagan kuwii uu so tababaray oo wali ku shaqeeya nidaamkii iyo caqligii ay kusoo tababarteen.

Ruuxa indheergaradkaa ee Soomaaligaa horey ayuu ka dareemi karaa cawaaqib xumada uu bulsho ku reebbo Kaligi Taliye.

Waxaan ku faraxsanahay in maanta dhallinyarada Soomaaliyeed aan lasoo marsiin karin Kaligi taliye.

Bal si fiican u dhuux Khudbadda Putin, waxaad ogaanaysaa in aan dalkaas wax wada tashi ahiba ka jirin.