Maqaalkii Siyaasi Maaxi ee Magaaladda Muqdisho waa lakala leeyahay maxaa kaaga baxay, Fadlan arragtidaadda kasoo dhiibo maqaalkaas oo kusoo hagaaji puntlandobserver@gmail.com

Filed under: important news and Articles,Somali News |

Doodda uu soo bandhigay siyaasi Maaxi oo kamidda Qurbajoogta ku abtirsata Beesha Abgaal ee dalka Iswiidhan deganaa 25kii sano ee u danbeeyay islamarkaasna caan ka ah dalka Iswiidhan iyo arrimaha Siyaasadda ee Soomaalidda Sweden ayaa soo bandhigay Maqaal runtii aad lowgu kala arragti duwanyahay oo inta baddan Beesha Banaadir ay aad uga dooddaan arrinka cidda iska leh Magaaladda Muqdisho ma Soomaaloo dhan bay dhextaal u tahay?. mise waa magaalo Beelleed?.
images
Inta baddan dadka kasoo jeedda deegaanadda Gobalka Banaadir oo ah Caasimadii Soomaaliyeed ayaa aaminsan in Canshuurtoodii lagu kharashgareeyo arrimaha Dawladda isla markaasna uuba noqonayo Wasiirkii Maaliyadda nin aan Reer Banaadir ahay, waxay kale oo inta baddan ku dooddaan reer Puntland iyo Soomaaliland iyo Jubbaland wixii Dekadahooda uga soo xarooday iyagaa jeebka gashaday, wixii innagga Dekadda Muqdisho nooga soo Xaroodana idinla lihin.

Dhanka kale Reer Puntland, ama Soomaaliland, ama Jubbaland, ama Bay iyo Bakool waxaa ka daadagi la

in Magacii Soomaaliyeed uu u xayndaabanyahay hal Beel waa Beesha Banaadir
Beesha Banaadir waxay qaateen dhamaan wax allaale wixii Magaca Soomaaliyeed aduunka looga keeno maadaama aduunka aan maanta ku nool nahay wadan wadan loo xisaabtamo, dhamaan wixii Magaca Soomaaliyeed ku iman lahaa waa in Beesha Banaadir loosoo maro, Safaaradihi, Wasaaradahii dhamaan wixii Soomaali- lahayd waxaa qaatay hal Beel.

Markaas dooddaas Maaxi soo dhigay banaanka ka doodideedda waa muhiim in si waadaxa looga dooddo.
Halkaan ka akhri

MAAXI: – “Magaalada Muqdisho waa la wada degaa balse maamulkeeda ayaa la kala leeyahay”

Wixii dooddaas kusoobsan fadlan nowgu soo hagaaji
Puntlandobserver@gmail.com

One Response to Maqaalkii Siyaasi Maaxi ee Magaaladda Muqdisho waa lakala leeyahay maxaa kaaga baxay, Fadlan arragtidaadda kasoo dhiibo maqaalkaas oo kusoo hagaaji puntlandobserver@gmail.com

  1. Dhamaantiin waad Salaaman tihiin.

    Muqdisho waxaa ku xiran wadaniyada soomaaliyeed oo waa astaanta qaranimadeena, si umadeenu u xasiloonaato oo u heshiisona waxaa loo baahan yahay in Muqdisho noqoto meel inaga wada dhaxeysa dhamaanteen. Dooda ah anigaa muqdisho u dhashay oo reerkeyga ayaa dega waa mid jawaabteedu fududahay. Qolooyinka muqdisho reer ahaan ku raba inay ku afduubaan ma ogolaan lahaayeen in caasimada laga dhigo meel kale? waxaa hubaal ah in qolooyin badani anigaa halkan u dhashay ka tanaasuli lahaayeen hadii tuuladooda caasimada soomaaliya laga dhigo.

    Waxaa xaqiiqo ah in Garoowe dawladeeda hoose ay doorashada helaan dad garoowe u dhashay, waxayse kaga duwan yihiin kan Muqdisho afduubka ku qabsaday in dadkaasi ay kalsooni ka haystaan bulshada garoowe inta badan. Dadka sheeganaya muqdisho ayaan u dhalanay waa inay raganimo sidaas reer garoowe ama reer hargeysa keenaan oo suurta geliyaan doorasho xalaal ah oo lagu doorto hadii ay sheekadoodu run tahay. Aniga fikradeydu waa in dadka sheeganayaa inay muqdisho haystaan ay yihiin dad aan doorasho xalaal ah ku soo bixi karin oo laftigoodu muqdisho qariib ku ah, afduub, boob iyo dagaal ku qaatay xoolihii umada, marna ma rabaan in umadii soomaaliyeed dib ugu soo laabato.

    Ninka fikirkan qoray waa laga yaabaa inuu u dhashay muqdisho laakiin fikradiisa waxaa ku daba dhuumanaya kuwa maanta diidan in qaranimadii soomaaliyeed nabadgelyo ku soo noqoto.

    Mida kale hadaad eegto aduunka federalka ku dhaqma waxaad arkeysaa caasimado ka dhexeeya bulshadoo dhan oo hadana qolo keliya u badan tahay dawlada hoose. Hadaad eegto Addis Ababa waa federal capital yet the majority of the local addis adminstration is mostly Oromo.

    Waa in reeraha sheeganaya muqdisho ay ka xishoodaan umada soomaaliyeed ee 25-ka sano sugaysay muqdisho nabadeeda. Nabadgelyadii ay keeni waayeen waqtigaas dheer oo keligood looga tagay muqdisho ma suurtoobeysaa inay hada hadii keligood laysaga dhex baxo ay keeni karaan? Jawaabtu waa maya oo nabada yar ee muqdisho aragtay waa dadaal ka yimid bulshada soomaaliyeed oo dhan, kuwan muqdisho sheeganaya waxaa ilaa iyo hada laga la’yahay nabada qaata, waxa ina baday ciidamada shisheeyena waa ragaas weli afduubka ku haysta reer muqdisho.Gobolada Soomaaliyeed badankooda bulshadii u dhalatay ayaa nabadgelyo ku haysta waxayna ku tusaysaa taasi in dadkaan sheeganaya muqdisho aanay reer muqdisho ahayn ee qaswadayaal boob raba ay yihii.

    Wasalaam.

    Mahdi
    February 7, 2014 at 4:28 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>