Mar Sadexaad Akhri Mudadii la sameeyay Dastuurka Maraykanka oo hadda laga joogo 226 sano oo aan Halmaalin Madaxwayne Muddo loo kordhin (Cadaymo)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waa qoraal aan Puntlandobserver ku daabacnay xilli uu Xasan Sh Doonayay in uu kororsado xukunka.

Hadana wararka suuqa ku jira ayaa sheegaya inĀ  Madaxwayne Gaas uu naawilayo in waqtiga loo kordhiyo, arrinkaas oo ay dabeecad u tahay siyaasiyiinta Soomaalida.

Madaxwayne Gaas ayaa hal cod kaga guullaystay Madaxwayne Faroole oo markaas sii samaystay dastuur ay ku qorontahay in madaxwaynaha cusub uu xukunka hayn doono 5 sano.

Hadaba Madaxwayne Gaas wuxuu xukunka hayaa ku dhawaad 5 sano, waxa uu 5-taas sano kusoo kordhinwaayay haddii uu doonayo in uu soo kordhiyo, waa in uu iskusoo taago doorashada 2019 oo uu ku nasiibsado.

Laakiin Madaxwayne Gaas waxaa lagu doortay dastuur, dastuurkana meelna kagama qorna waqti kororsi, waxayna soo kordhinkartaa qalalaase, inkastoo aan hadda laba hayn siyaasi diyaarsan oo isaga dhaama, hadana wadanku sharci buu ku shaqeeyaa oo waxaa wanaagsan in aan sharciga la jibbin.

Mudadii la sameeyay Dastuurka Maraykanka oo hadda laga joogo 226 sano oo aan Halmaalin Madaxwayne Muddo loo kordhin (Cadaymo)