Maraykanka iyo Wadammo kale oo Hakiyay Duulimaadyada ay Caasimadda Israa’iil (Tel Aviv) ku Tegi Jireen Cabsi kaga Timid Gantaallada Xamaas

Filed under: Wararka |

Dhammaan diyaaradaha rakaabka ee Mareykanka iyo qaar laga leeyahay Yurub ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee caasimada Tel Aviv, Israa’iil.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii uu gantaal uu ururka Xamas kasoo riday Gaza uu ku dhacay meel u dhow garoonkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa telefoonka kula xiriiray xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry, waxaana uu ka codsaday in xanibaada laga qaado garoonkaasi.

Wasaaradda gaadiidka ee Israa’iil ayaa ku doodeysa in garoonku uu ammaan yahay, duulimaadyadda la baajiyayna ay dhiiri galinayaan waxa ay ugu yeertay argagixisada.

Dhanka kale waxaa Israa’iil ayaa sii wada duqeynta Gaza, iyadoo aan weli loo kala kicin dadaallada lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka Gaza.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabas ayaa sheegay in uu xaqiijin doono in xuquuqda dadkiisa la dhowro.

Source BBC Somali