Marka Bandowga lasaarayo Muqdisho, Waxay Damjadiid Rabaan In Ay Musharaxiintu Ay Qololkooda Ku Ekaadaan Si Damjadiid Iyo Gabre Kaligood Ugu Madaxbanaanaadaan In Ay Xildhibaanada Ka Shaqaystaan (Qormo Gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Maadaama hadda ay waxwalba 329 xildhiban kaliya waxwalba ay gacantooda ku jiraan ayaa waxaa la isku dayayaa in xildhibaanada iyo Musharaxiintu ay wada socdaan oo markaas ay Damjadiid u madaxbanaanaadaan in ay kaligood ciday rabaan meel ku xirtaan oo waxay rabaan ka dhaadhicyaan, isla markaasna la xadido dhaqdhaqaaqa dadka siyaasiyiintaa iyo musharaxiinta, waxaana kaba sii daran in Musharaxiintii loo hanjabay oo lagu yiri alshaabaab baa idin khaarajinaysa hadaaad dhaqdhaqaaq samaysaan.

Waana qisadii uu sameeyay Faroole habeenkii uu doorashada ku guulaystay.
Waxaa bandow lasaaray magaalada Garoowe iyadoo dhanka taliyaha ciidamada loo maray, dabadeedna markii ay gaadhay saqdii dhexe ayaa waxaa magaalada jaanis u helay in uu dhaqdhaqaaqo Faroole oo qura, oo markaas xildhibaanadii bari subax u codayn lahaa isla habeenkii xawilaadda lacag u dhigay oo dhaariyay in ay dooranayaan isla markaana lacagta qaadanayaan haddii uu Faroole ku guulaysto, inkastoo aan waagaas arrimahaas sidaas looga warhayn.

Waxaa kaloo iyana dhanka Muqdisho uu sheegay Salaad Cali Jeele in xildhibaanada lacago loo ballanqaado, jago loo ballanqaado, lacagtana inyar mooyee inta kale xawilaadda loo dhigo, oo lagu xujeeyo in ay Taleefonka kusoo sawiraan qofka ay u codeeyeen, iyo waliba sidoo kale in ay lacagta helayaan 100%, haddii uu guulaysto musharaxaasi, balse haddii laga guulaysto isla markaana ay keenaan cadayn sawir wadata in ay u codeeyeen ay markaas lacagtas 50% leeyihiin, iyo waliba dhaar iyo saxiix ideo laga duubayo.

Laakiin arrimahaan oo dhan waa ay wada ogyihiin musharaxiintu waxaana jira musharaxiin badan oo lacag ogol, iyo xildhibaano beec ah.
Laakiin haddii aadan dhaqdhaqaaqi karin horta maxaad beeyacyantaa ama suuqaba ka warhaysaa.

Waana sababtaas sababta ay hadda Damjadiid magaalada Muqdisho bando ugu dhigeen hadana waliba waxaa sii dheer in musharaxiinta loo hanjabay si aynan hodheeladooda usoo dhaafin

One Response to Marka Bandowga lasaarayo Muqdisho, Waxay Damjadiid Rabaan In Ay Musharaxiintu Ay Qololkooda Ku Ekaadaan Si Damjadiid Iyo Gabre Kaligood Ugu Madaxbanaanaadaan In Ay Xildhibaanada Ka Shaqaystaan (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Marka Bandowga lasaarayo Muqdisho, Waxay Damjadiid Rabaan In Ay Musharaxiintu Ay Qololkooda Ku Ekaadaan Si Damjadiid Iyo Gabre Kaligood Ugu Madaxbanaanaadaan In Ay Xildhibaanada Ka Shaqaystaan (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report