Markale Akhri Qofka Haysta PHD Muxuu Dadka Kale Kaga Duwanyahay Mise Badbaadinkaraa Soomaaliya (Fallanqayn Koobban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Qofka Haysta PHD Muxuu Dadka Kale Kaga Duwanyahay Mise Badbaadinkaraa Soomaaliya (Fallanqayn Koobban)

best article
https://youtu.be/r43dv8k8M1k
Dalalka horumaray ee reer Galbeedka ayaa isticmaala falasafadda “division of labor”oo loola jeedo in howl-kasta ama shaqo kasta qaybbo fara baddan loo qayb qaybsho oo qof-kasta qayb-yar loo daayo.

Micnaha ka danbeeyana ayaa ah in qofka markii noloshiisa hal hawl ama shaqo oo yar lagu qaybsho oo uu muddo shaqadaas habbeen iyo maallinba ka shaqeeyo, wuxuu ku noqonayaa khabiir, illaa uu noqdo ruuxa aduunka ugu badiya hawshaas, waliba waxa laga yaabbaa in uu ubadkiisana ku barbaariyo oo barro isla hawshaas marka ay ubadku yaryihiin la barro oo waliba reerkaas ay nolol maaleedkooda ka hellaan shaqadaas iyada ah, tusaale haddii uu ruuxaasu intii uu noollaa ka shaqaysanayay farsamaynta daaqadaha oo uu habbeen iyo maallinba ka shaqaynayay farsamaynta daaqadaha, ruux kalena dhanka cilmiga uu ku takhasusay farsamaynta daaqadaha, dabadeedna ay caruurtooda bareen farsamaynta daaqadaha markii ay 5 jirka ahaayeen, reerkaas heer intee le’eg ayay ka gaarikarraan farsamaynta daaqadaha, maxaase laga fillankaraa dal dhan oo dadkiisu sidaas oo kale shaqooyinkii u kala qaybsadeen oo reerkasta lagu aadiyay qayb yar waana u jeedada falsafadda “division of labor” iyo waliba cilmiga takhasuska uu ruux walba qayb aad u yar kaliya ku takhasusayo isagoo noloshiisa qaybtaas yar u go’doomaya.

Dhanka kalena qofkaasi wuxuu noqonayaa qof aan arrimaha kale aduunka ka socda aad uga warhayn maadaama uu arrinkaas waqtigiisii oo dhan ku mashquuliyay.

Hadaba dhanka waxbarashada ee dalalka reer galbeedka ayaa isla shaqadii dhanka Jaamacadana waxaa loo sameeyay in qofkastaa uu qayb yar ku takhasuso, waana isla mawduucii aan hadda ka hadlaynay oo dhanka aqoonta ah.

Kaba soo qaad marka laga hadlayo cilmiga beeraha qof baa ku takhakhusaya hal geed oo kamida dhirta malaayiintaa ee aduunka ka baxa waliba qayb kasii mida geedkaas.

Qofkaasi isagoo cilmigaas qaybtaas yar waxyar ka yaqaan baa laga yaabaa in uu gaboobo, waayo cilmigu ma ahan wax sahlan.

Laakiin qofkaas maadaama uu matalan noloshiisii Geedka Timirta waqtigiisii oo dhan galliyay, waxaa laga yaabbaa in aannu jaannis fiican u hellin waxyaalaha dunida ka socda.

Laakiin dadka Soomaalida oo lagu marrin habbaabiyo hebel oo wata shahaadada PHD ayaa waxay qalad ka fahmeen PHD runtii.

Waana fikir qaldan in uunnan sideedaba hal ruux umad dhan badbaadin karrin, oo marwalba waxaa dal badbaadsha kumanaan qof oo si daacada cudooda iyo caqligooda isugu geeyay, oo samaystay mabaa-dii heshiis lagu yahay iyo hadaf dagsan oo la isla ogyahay halka hawl laga billaabayo iyo halka loo socdo, ee aan ahayn xisbi ruux samaystay si uu kursi ugu korro.

Haddiise ruux badbaadinayo Soomaliya maanta ruuxaasi waa ruux “AAMINA OO DAACADA OO AAN BEENLOW AHAYN BALLANTANA AAN JABBIN, BALSE MUHIIM MA AHAN IN UU WATO SHAHAADO UU KUSOO TAKHASUSAY MANHAJ AY JAAMACAD DIYAARSATAY OO KU SAABSAN TAKHAKHUSKA BARASHADA GEEDKA TIMIRTA WALIBA QAYB YAR OO KAMIDA SIDA BACRIMINTA MIRAHA TIMIRTA”

Waxaa kaloo muhiimma hogaan leh arragtida hirgallinta nidaam cadaalad ku dhisan balse kaliya aynan waxba tarayn haddii uu isaga cadaali yahay balse uunan garanayn ama aannu hadda arrag ama aannu garanayn sida loo horgalliyo nidaam cadaaliya ama uunnan xitaa muhiimadeeda arki karrin.

si koobban u diyaariye. Ibrahin Gablax.


One Response to Markale Akhri Qofka Haysta PHD Muxuu Dadka Kale Kaga Duwanyahay Mise Badbaadinkaraa Soomaaliya (Fallanqayn Koobban)

  1. Pingback: Farmaajo: Agaasime Waxaa Lagu Noqdaa 30 Sano Oo Khibrad Ah (Maqal + Qoraallo Arrinkaas Ka Hadlaya | Puntland Observer