Markii ay Illaah u dacwoodeen. Qaybtii 1aad By Ustaad Mohamed Hasan

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Ustaad Mohamed Hasan

Markii ay Illaah u dacwoodeen.

Qaybtii 1aad

Waxaa ay ahayd bartamihii qanigii 19aad markii qolo Wadaaddo Kiristaan ahi (Gaalo) fidinta iyo dacwada Diinta kiristanka darteed ugu baxeen safar dacwo Dalka Hindiya, intii ay ku guda jireen safarkoodii dacwada ayaa waxa ay ogaadeen in Magaalada ay markaas joogeen ku sugan yihiin wadaaddo Muslimiin ah oo ayana halkaas u yimid fidinta iyo faafinta Diinta Islaamka.

Qolyahan wadaadda Kiristinka ah waxaa ay ahaayeen niman aqoon fiican u leh Diimaha guud ahaan, waxan ay si gooni ah usoo barteen Diinta islaamka iyo meelaha ay si leeyihiin dadka Mulimiinta ah waad ka shaki galin kartaana ama shubhooyin waad uga furikartaan, waxaa ay ahaayeen aqoonyahano ku xeeldheer isbar bardhiga Diimaha, waxaa ay wax ku kusoo barteen kana soo baxeen Jaamacaddaha Reer galbeedk.

Waxaa ay istuseen in ay yihiin kuwa ka cilmi iyo waayo aragtinimo badan wadaadda Islaamka ee Magaalada jooga, waxa ay is yiraaheen maanta ayaad fursada haysataan aad dadka ku kaxaysataan, waxa ay ula muuqdeen ama ay ahaayeen wadaadda Muslimiinta ah kuwa aan aqoon badan u lahayan Diimaha kale, kaliya wax ay ahaayeen Culimo ku caan baxay wacdinta iyo tabliiqayanta dadka muslimiinta ah waan mid ay ku kasbadeen qadarinta bulshada iyo in loo aqoonsado in ay yihiin khayr faafiyayaal, waxa ay ku qancasanaayeen in Diinta Islaamka ee ay haystaan ay tahay midda kaliya ee xaqa ah, mida kaliya ee aan lala simi karin Diin kale, mid kaliya ee Alle agtiisa laga jecel yahay waajibna ay ku tahay in uu uumiyihi qaataan kuna dhaqmaan oo ay qabsdaan si ay u liibaan una barwaaqoobaan aduun iyo aakhirba, waan mida ay u baqoolaan una caraabaan u guureeyaan habayankii fidinteeda iyo dad ugu yeerkeeda.

Hayeeshee marna kama aysan fakirin xisaabtana kuma aysan darsan waxaa jira ama jiri kara Wadaaddo dhanka kale ku hawlan hawshaas ay hayaan wax ka hor imanaya ee lid ku ah ama ka soo horjeeda, marna is ma aysan oran waa kuwa u baqoolaya sidoo doo kale wax ay khayr wadaan in ay bur buriyaan lana yimaadan wax kale oo ay ayguna u arkaan in ay tahay khayr ay rabaan in Dunida lagu faafiyo lana gaarsiiyo fariirmo ay u arkaan in ay xinbaarsan yihiin farxad iyo nabad galyo guul iyo barwaaqo joogto ah oo aan dhamaad lahayan.

Waa wadaaddo aqoon ku filan u leh Taariikhada Islaamka una bartay sida aan soo sheegnay in ay kula doodaan kuna shaki galiyaan xaqa islaamka.

Maalina maankoda kuma soo dhicin kumana aysan fikirin in ay Diimaha kale sida Kiristanka iyo Yahuudiyada ay wax ka ogaadaan ama Caqiidooyinka iyo falsafadaha dad yowga kale wax ka bartaan, si ay ugu yaraan xujooyinkooda u fahmaan u gartaan caqliga ay ku fakiryaan, daliilkooda iyo caqiidadda ay ka rumaysan yihiin jiritaanka Eebe iyo Nabiyaashiisa, marna isma aysan oran waa muhiin aqrinta Kutub diimeedyada kale iyo qoraaladda dad yowga kale ee aan Muslinka ahayn.

(Aqristow fikirka ah in la aqriyaa Buugaagta Diimaha aan Islaamka ahayan ama buugaag diimeedyada dad yowga kale, buugag fikir ahaan ka duwan waxaad aaminsan tahay waxa ay keentay ama ay dhalisay dood xoog badan oo laba argti loogu kala qayabsamay.

Mida hore oo ah mid aan ogalayan in la qariyo Buugaag aan waa faqsanayan Ciiqadaada iyo Diintaad waxaa sidaa ku doodaya qaar ka mid ah Wadaadda, waxan ay uga digaan xertooda in ay aqriyaan Buugaagta qaarkood ee ay u arkaan in ay xinbaarsan tahay afkaar qaladan oo shaki galin karta ardayga ay macalinka u yihiin, qaar ayaa qaba in hadii aad caama tahay aysan marna kuu banaanayan aqrinta Buug ama qoraal uu ka digay sheekhaagu, sanadkii tagey ayey ahayd markii qaar ka mid ah Wadaadda Soomalidu ay xertooda uga digeen Buugga uu qoray Cabdi Ismail oo ah qoraa Soomaaliyeed oo leh Buugaag dhawar kuna qornaa afka soomaaliga magiciisuna ahaa (XADKA RIDADDA MAXAA KA RUN AH).

Soomaalida oo dhan waa ogayad buuqii iyo sawaxankii ka dhashay qorinta buugaas, taasi waxay tusaale u tahay sida wadaadda qaar ayan ugu ogalayan dadka ay Culimada u yihiin in ay fikarda kale aqriyaan ama ay ka biya cabaan meela kale oo ay is leeyihiin qatar diimeed ayaa ka iman karta, ama qatar xukun ka qaadis, waxa ay ku dadaalayaan dadka caamada ah ee ay haystaan in aan gacmahooda lagala bixin, si taas loo xaqiijiyana waa in aan marna laguu ogalaanin inaad madax kor u qaado oo aad fikirkaaaga balaariso, indhahan aad kala furto, ileen macanaha (Caamo) waxa loola jeedaa dad an indha qabin ama aan waxba arag markaan carbigeeda macana guud u soomaaliyayno.

Lakin dhanka kale waxa jira fikir kaa ka duwan oo ah mid ku baaqaya in wax la aqriyaa in ay tahay lagama maarmaan waa fikir ay qabaan qaar badan oo kamid ah Qalinlayada iyo Musaqafiinta xorta ah ee ka talaabay xayan daabka xaryiraadaha iyo xakamayanta caqliga, sidoo kale waxay u arkaan diidmada la diidan yahay aqinta afkaaraha Buugaagta kale mid ka mid ah midyaalaha dib dhac maskaxeedka ku keenay dadyowga muslimiinta ah, mid kamid ah wax yaalka sababta u noqday in Wadaadadda kale ee aan muslimiinta ahayn ay marar badan ka gar heleen marka laqabto dood cilimiyeed ama doodo ku saabasan Taariikhada Dunida iyo Ilabaxnimooyinka ummadaha kale.

Waxa in badan oo Wadaaddaas aan muslinka ahayan loo carbiyey ama loo tababaraa in ay bartaan luuqada Carabiga iyo Diinta Islaamka waan kuwa loogu yeero (Mustashriqiin) ama Orientaliste.

Waxaa ay wax ka qoraan Ilbaxniada iyo Taariikhada islaamka ayagoo u dhiga sida ay rabaan ama ay jecel yihiin.

Lasoco qaybta 2aad.

Ustaad Mohamed Hasan