Marlabaad Akhri Farmaajo Waa Ninkii Soomaali Ugu Daacadsanaa By Prof Abdinasir Mohamoud Isse (Qaraal Farxad Galinaya Soomaalida)

Filed under: Important News,Wararka |

Marlabaad akhri qormo aan ku daabacnay P/O waxyar kadib doorashadii Madaxwayne Faraajo.
Farmaajo Waa Ninkii Soomaali Ugu Daacadsanaa By Prof Abdinasir Mohamoud Isse (Qaraal Farxad Galinaya Soomaalida)

Good Governance
Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa nin daacadnimadiisu xad-dhaaftahay, waana ninkii ku habboonaa in lagu aamino masiirka umadda Soomaaliyeed, waxaanan u arkaa doorashadii la doortay raxmad illaahay Soomaali ugu naxariistay, maadaama ay umadda Soomaaliyeed la’aayeen hogaan daacada oo lagu aammini-karro masiirka qaranka umadda.

Xilliga Farmaajo la doortay wuxuu ahaa xilli ay Soomaali khatar ugu jirtay in dalkii Soomaaliya la oranjiray iyo dadkii degenaaba ay noqdaan taariikh laga sheekeeyo.

Aqoonta durugsan ee aan u leeyahay Farmaajo ayaa ah, nin daacada oo aan dadka u kala eexan, waxaanan Soomaalida kula tallinayaa in ay taageeraan oo taageero dhan-walba ah la garab istaagaan si loo badbaadsho qarankii Soomaaliyeed.

Waxaan aaminsanahay in uu Farmaajo la dagaalammi doono, Musuqmaasuqa, Eexda, Xukun-boobka, kalligi-tallisnimada arrimahaas oo dhiirigalliya kala qaybsanaanta iyo Qabyaaladda.

Isla markaana in uu Farmaajo dhiiri-gallin doono, isla xisaabtanka, run-sheegnimada, ballan-oofinta, dawlad-wanaagga, Qorshe siyaasadeed wacnaanta, kuwan oo dhiirigallin-doona midnimada iyo wadajirka

Haddii ay Soomaali hesho Farmaajoyaal badan waxaa ay Soomaali hiigsan doontaa insha-allaah qarankoodii ka burburay in ay soo ceshadaan.

Qore: Prof Abdinasir Mohamoud Isse
Muddo-dheer degan Switzerland

One Response to Marlabaad Akhri Farmaajo Waa Ninkii Soomaali Ugu Daacadsanaa By Prof Abdinasir Mohamoud Isse (Qaraal Farxad Galinaya Soomaalida)

  1. Pingback: Madaxwayne Farmaajo Waa Daacad, Daawo hadalkii Uu Afgooye Ka Jeediyay. | Puntland Observer