Marlabaad Akhri Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Trurh wisdon

Marar badan baan P/O ku daabacnay in qorshihii 4,5 ee 17 sano siyaasada Soomaalida lagu soo waday uu ahaa qorshe Soomaalida lagu jaahwareerinayay, oo waliba loo qaadan karro in laga lahaa qorsheyaal waawayn oo Soomaaldia arragtida gaaban aynan arki karrin .

Hadaba qoraal aan p/O ku faafinay dhawr billood ka hor mar ay xukuumadda Madaxwayne Gaas soo jeediyeen in beelaha laga tirada badan yahay 15 xildhibaan Baarlamaanka Puntland lowgu darro ayaan maantana marlabaad la qaybsanaynaa akhristayaasha ku xiran P/O.

Qorshahaas  in beelaha laga tirada badanyahay 15 xildhibaan baarlamaanka lowgu darro waxaa diiday Baarlamaanka Puntland, hadaba isla qorshihii ayaa inta xooggaa xawaaji iyo basbaas lagu soo dahray waxaa markaan lowgu yeeray beesha tanade oo Puntland ku dulma waa in 15 xildhibaan lowgu darro Golaha Sharci Dajinta ee Puntland.

Hadaba beesha Tanade leelkase dhanka Xildhibaanada Puntland ma ku dulmanyihiin??.

Beesha Tanade waxay degaan Gobalka Mudug, degmada Goldogob, inkastoo ay beesha Tanada Puntland oo dhan waxka degaan hadana waxay beeshu  si gooniya u leeyihiin Goldogob oo waliba Goldogob laftigeeda lala dego.

Gobalka Mudug beel ahaan waxaa ugu badan beesha Cumar Maxamuud, waxayna xildhibaanada Gobalka Mudug ku leeyihiin 2 Xildhibaan, Beesha leelkasana iyana sidoo kale 2 Xildhibaan bay ku leeyihiin Gobalka Mudug halkaan ka eeg.

Hadaba dad badan baa is waydiinaya Beesha Leelkase iyo Beesha Cumar Maxamuud keebaa sida daacadda ugu dulman Gobalka Mudug marka laga hadlayo Halbeegga Matalaadda Xidlhibaanka ee Standarka ah.

Haa Beesha Tanade waa ku dulmanyihin dhanka maamulka puntland oo tusaale ahaan Gobalka Mudug Gudoomiye wali kama noqon waxayna ahayd in ay markooda ka noqdaan, iyo xitaa laamaha kala gadisan ee hay’adaha dawladda waa su’aal meesha taal in si dhaba wax loo qaybsado inta maamul wanaag laga gaarayo balse arrinka ah xildhibaanada ninkii yiraahda si goonay beesha leelkase ugu dulmantahay waxaa la su’aali doonaa maalinta Yowmul qiyaame in uu ninkaas cadaalad ka taliyay iyo in uu ujeedo kale leeyahay, waase su’aal kale oo meesha taal saamigii xildhibaanada ee beesha Tanade ku lahayd Gobalada bari iyo Nugaal.

Dhanka kalena beesha leelkase ayaa xildhibaanada DFS ku le 5 xildhibaan halka ay beesha Cumar maxamuud ku leeyihiin 2 Xildhibaan.

Halkaan hoose ka eeg maapka degmooyinka Soomaaliya

Somali_tribes_districts

 

 

Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban)