Marlabaad Akhri:Dalka Oman Waa Dalka Kaliya ee Ka Badbaaday Dalalka Carabta Waayo Siyaasaddiisu Waa Dhexdhexaad (Cdayn Iyo Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Dalka Oman Waa Dalka Kaliya ee Ka Badbaaday Dalalka Carabta Waayo Siyaasaddiisu Waa Dhexdhexaad (Cdayn Iyo Qormo Gaaban)
role-modal
Warbaahinta P/O ayaan marwalba ku baahinnaa in ay Soomaalidu ka dheeraadaan wax allaale oo fawdo iyo qulqulad la xiriira, waxaanan marar badan ku baahinay qormo aan Sweden tusaale ugu soo qaadanay sida dalka sweden uu isaga illaasho waxyaalaha dagaal iyo fawdo ku taxaluqa akhri warbixintaas

Dalka Cumaan ayaa fahmay siyaasadda wuxuuna iska illaashaa in uu u janjeero siyaasadaha ay kala wataan dalalka Reer Galbeedka iyo dalalka Bariga ee maamulida dunida ku hardamaya.

Dalka Omaan ayaa xiriirwanaagsan la leh dhammaan dalalka caalamka, wuxuuna gacmo furan kusoo dhaweeyaa dhamaan umadaha kala duwan ee dunida ku nool isagoo aan u kala eexan isla markaasna dhex dabaalan loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira dalalka reer Galbeedka iyo kuwa bariga, balse taa badalkeeda wuxuu la sameeyaa ganacsi wadankasta.

Waxayna taasi hadda u suurta galisay in uuba dhexdhexaadiyo dalalka bariga iyo galbeedka oo Iran iyo Maraykanka dhexdhexaadintooodii waxaa fuliyay dalka Cumaan.
Warbixntaas oo English ah akhri.

Waxaana wax laga xumaado ah in Xasan Shiikh oo aan xukumin xaafadda wardhiiglay uu sanadkii hore u kala hiiliyay mar ay isqabteen Iran iyo Saudi Arabia, taasi oo xaaraana, waayo sabab aad ula kala jirsato laba dal oo xurgufi dhexmartay baan jiran, kaliya miskaxda caqliga leh doorkeedu waa dhexdhexaadin iyo in aaad marwalba danahaaga ku koobnaatid, waayo dalkasta danihiisa iyo siduu isku difaaci lahaa ayaa dawladda madaxda ka ah shacabkoodu u doorteen, ee shacabku uma dooran in ay ku adeegtaan gacmo shisheeye oo uu u fuliyo danaha ay gacmahaas shisheeye leeyihiin waan khiyaamo qaran.

Fadlan markasta isku day in aad nabadda iyo midnimada ka qaybqaadato, ka qaybqaadato daminta iyo islaaxinta dagaalada sokeeye ee soomaalida dhexyaal si markaas ay Soomaalidu mar un u tiigsato jawi horumarineed, waayo hadiiba ay shacabkaagu dagaal ku jiraan waxay u shaqaynayaan dalalkale oo hubka ay warshahadahoodu sameeyaan ayaad kasoo iibsanaysaa, baabuurta dagaalka ee dalalkaas kale ayaad soo iibsanaysaa, waxaana aad layanaysaa caruurtii iskuulka kuu dhiganaysay halka dhamaan dalalka kale ay caruurtoodu iskuulo dhiganayaan, waxaanad ka shaqaynaysaa in dalalkaas kale caruurtooda ay caruurtaadu u shaqeeyaan maadaama aanad wanaagoodii ka shaqayn